Madaxweynaha Oo Maanta U Socdaalaya Borama

0
551

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta safar ku tago magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la xidhiidho furitaanka jidka isku xidha Borama iyo Dila oo 12km oo dhismihiisa la dhameeyay uu maanta xadhiga ka jari doono, waxaanu isla maanta dhagax dhigi doonaa 6km oo cusub oo ay dawladu bixinayso. 12-ka km ee uu Madaxweynuhu maanta xadhiga ka jarayo waxa ay dawladu bixisay afar ka mid ah, halka ay shacabkuna dhisteen sideedda kale.

Madaxweynaha ayaa la filayaa marka uu jidka xadhiga ka jaro inuu u gudbo dhinaca caasimadda gobalka Awdal ee Borama, waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada gobalkaas, waxaana la filayaa inay safarkiisa kooban ku weheliyaan xubno