Kulan Dhex Maray Muuse Biixi Iyo Raysalwasare Meles

0
963

 

DSC02734Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE Xilddhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ka waramay kulan shalay dhex maray Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo Addis Ababa ku jooga safar shaqo.55

 

Md. Talynale, wuxuu sheegay inay Muuse Biixi iyo Raysalwasaare Meles Zenawi, shalay ku kulmeen kulan hadhimo sharafeed ah oo lagu soo gunaanadayay dabaal degyadii ay shucuubta Itoobiya ku xusaysay labaatan guurada ka soo wareegtay markii ay talada ka tuureen taliskii dhergiga ee dalkaas xukumayay oo weftiga Somaliland lagu casuumay. Md. Talyanle wuxuu sheegay in kulankaas ay labada masuul kaga wada hadleen xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo sida loo xoojin karo. “Muuse Bixii wuxuu Meles Zenawi gaadhsiiyay farriin, waxaanay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.” Ayuu yidhi Talyanle, waxaanu intaas raaciyay, “Markaas si wanaagsan ayay u sheekaysteen oo ay isu fahmeen.”

DSC02590Talyanle waxa kale oo uu sheegay inuu Muuse Biixi iyagana la kulmay ganacsadaha weyn ee Al-Camuudi, kaas oo uu ku casuumay inuu booqasho ku yimaado dalka Somaliland, “ Al-Camuudi wuu naga abqlay inuu Somaliland yimaado, Waxa kale oo aanu la kulanay safiiro uu ka mid yhay safiirka Ruwaanda u jooga Addis Ababa.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.

DSC02745