Cabdillaahi Jawaan Oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Dhaliilay Bedelaadda Shaqaalaha Dawladii Hore, Kuna Ammaanay Kobcinta Dhaqaalaha Wadanka

0
668

 

kkkkkkkkkkkkkLondon (Geeska)- Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi X Cumar (Cabdilaahi Jawaan) ayaa ka hadlay arrimo doora oo ay ka mid yihiin arrimaha ururada siyaasada furashadoodu, dhaliisha labada waji leh ee xukumada madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo arrimaha kooxda nabadiidka ah ee SSC.

Md Cabdilaahi Jawaan oo haatan ku sugan dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday arragtidiisa ku aadan arrimaha haatan dalka ka socda ee ay ugu horaysay arrimaha ururada siyaasada iyo xaalada gobolada bari oo ay ku jirto SSC, waxaanu ugu horayn ka hadlay sida uu u arko xukumada uu hogaaminaayo madaxweyne Axmed Siilaanyo gaar ahaana marka laga hadlaayo dhaliisha iyo wanaaga xukumada, waxaanu yidhi isagoo u waramayay shabakadda Hadhwanaag uu yidhi “Wanaag iyo dhaliil labada waan u hayaa, waxaan ku taageersanahay xukumada madaxweyne Axmed Maxamuud kobcinta dhaqaalaha oo daymihii lagu lahaa dalka intoodii badnayn daboolay, lacagtii giinbaarta ahayd ee gobolka togdheer taalay oo iyana la badalay, shaqaalihii dawlada iyo ciidamadii oo iyana mushaharooyinkii loo kordhiyey, intaasi waa guulo ay gaadheen oo runtii way ku amaanan yihiin.

Waxaan taas ku amaanayaa wasiirka maaliyada iyo madaxweynaha, markii uu madaxweynuhu wasiirka maaliyada Maxaxmed Xaashi u magacaabay amaan weyn ayuu ku lahaa. Dhanka kale dhaliilo waan u hayaa shaqaalihii dawlada u shaqaynaayey markay umadi meel timaado ee afganbi la sameeyo dhamaan wixii hore waa la badalaa, xukumadi markay qabsatana waa la badalaa, laakin habka dimuquraadiga ah ee laysku badalo waxa weeyaan in la ilaaliyo dadka shaqaalaha ah ee xafiisyada jooga, waxaase la badali karaa agaasimayaasha guud iyo wasiirada.

 

Laakin hadii xidida loo siibo shaqaale hoosaadka waa mid arrinteeda leh, waanan maqlay taas oo waan ka warqabaa waana dhaliil ay xukumadu leedahay, runtii shiciba iyo qarankana uma fiicna, bari haddii xisbi kale yimaado wadadaas ayuu marayaa isna, waxaanan leeyahay arrintaas dib halooga fiirsado oo sharci halaga soo saaro si loogu ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha”

 

Cabdilaahi Jawaan oo wax laga waydiiyey aragtiisa ku wajahan in la furo ururo siyaasadeed oo cusub ayaa daaqada ka saaray aragtida ah in ururo cusub la furo, hase ahaatee wuxuu taageeray in la sameeyo doorashooyin iyo tartan laga dhex ogalaado saddexda xisbi ee haatan jira, waxaanu yidhi mar kale “arrinta ururada in la furo anigu waxaan u arkaa in marka hore dastuurka dib loogu noqdo, waayo dastuurku uu ogol yahay in ururada la furo oo qaybta aas aasiga xuquuqda muwaadink ayaa fasaxaysa oo sheegaysa in muwaadinku isku abaabuli karo in uu furto urur siyaasiya, urur diineed, mid dhaqan iyo mid bulsho si waafaqsan xeerarka dalka,  wuxuu dastuurku amarayaa hay’adaha qaranka sida sharci dajinta, fulinta oo xukumada ah, haya’adaha garsooka oo maxkamadaha ah gobolada kuwa sare iyo kuwa dhexe iyo dawladaha hoose, wuxuu farayaa inay qodobkaas sidaas u raacaan, waxaanu sheegayaa dastuurku in aan la dhaafi karin saddex xisbi. Laakin xisbiyada in lafuro waxaan u arkaa marka la eego marxalada aan marayno wax aan loo baahnayn furashadooda, waxaan soo jeedin lahaa oo aan hore u soo jeediyey in xisbiyada dhexdooda laga tartamo oo aanay noqon xisbiyada jiraa kuwo reer ama gobol iyo shaqsi iska leeyahay, markaa waa laga maarmi karayaa hadii sidaas la sameeyo, waxaanu u soo jeedin lahaa hay’adaha sharci dajinta inay dib u eegaan xeerarka doorashada ku shaqada leh”

 

Geesta kale Md Jawaan ayaa sheegay in markii uu dalka ka dhoofay in uu talooyin badan u soo jeediyey xisbiga Kulmiye ee uu ka tirsanaa, isaga oo sheegay in talooyinkiisii lagu badalay kuwo kale oo dan u ahayd hogaanka xisbiga Kulmiye sida uu hadalkiisa u dhigay, waxaanu ydhi “xukumad marka laga hadlaayo is badal wuu yimaadaa, anigu waxaan ka mid ahaa ragii ku biiray xisbiga Kulmiye ee waliba la shaqeeyey ee taladana ka dhiibtay, in kastoo talooyinkii aan ka dhiibtay markii aan ka soo dhoofay inta la qaatay hadana dib loo badalay, taas oo ahayd wax wanaagsan oo dalka iyo xisbiga u wanaagsanayd, waxaana ka mid ahaa talooyinkaas qaab dhismeedka xisbiga, iyada oo siiraanyo ama iyo guddigii qaban qaabadu ay wadeen dariiqa ugu fududaa ee markaa u muuqday sida guul lagu gaadhi karo oo kaliya, laakiin waxa aan aad looga fikirin saamaynta ay jamhuuriyada iyo dadka ku nool gobolada cidhifyada ku yeealan karto qaab dhismeedka xisbigu hadii aan si kale loo dhigin.”

 

Ugu danbayntii mar wax laga waydiiyey sida uu u arko kooxda nabad diidka ah ee SSC, waxaa uu sheegay inay qalad tahay sheegashada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaanu intaas ku daray in ay xukumadihii kala danbeeyey ee soo maray dalka ay qadiyeen beelaha cidhifka bari ee dalka, gaar ahaana sida uu sheegay beesha dhulbahante, kuwaas oo uu ku tilmaamay dadkii asal ahaan lahaa qaab dhismeedkii lagu heshiiyey shirkii Burco ee ahaa saamig qaybsiga beelah Somaliland. In kasta oo uu sheegay inay beelahaasi ay rabeen qaab ah ra’iisal wasaare iyo madaxweyne halka beelaha kale ee Somaliland dagaana ay ka wateen nidaam ah madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.