Kal Fadhigii 44-aad Ee Golaha Guurtida Oo Saaka Si Rasmiya u Furmay

0
942

 

DSC09017

Hargeysa (Geeska) Kal fadhigii 44-aad ee golaha guurtida Somaliland ayaa saaka si rasmiya u furmay, waxaana ka soo xaadiray xildhibaano tiro badan, iyada oo uu gudoominaayey gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Md Siciid Jaamac Cali iyo xoghaya guud ee golaha guurtida Md Cabdilaahi Dheere.

Kal fadhiga saaka ee guurtida waxaa lagu qaybiyey ajande ka kooban qodobo doora oo ay ku jiraan xeerka isgaadhistna dalka iyo qodobo kale oo xaasaas ah.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Md Siciid ayaa mudanayaasha ku war galiyey in la guda gali doono dooda kal fadhiga maalinta bari ah, in kastoo qaar ka tirsan aqalka odaayaashu ay ka biyo diideen in maalinta bari dib loogu riixo.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waxaanu idiinku soo gudbin doonaa baahinta kale ee wararka Geeska Afrika ee dhamaantiiba la socod haboon.

Wargeysak Geeska Afrika