Korniinka Dabiiciga Ah Ee Ilmaha (3): Habka Nafaqaynta Ee Ilmaha Ku Habboon Iyo Halbeegyo Guud

0
630

dddddHargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo ururiyey barnaamij ka baxay talefishanka MBC iyo qormooyin kale oo caafimaad, waxa ay ka hadlaysaa heerar dhererka iyo miiisaanka dabiici ahaan saxda ku ah caafimaadka ilmaha.

Waxaa muhiim ah in ilmaha marka cuntada loo bilaabo oo ah lix bilood marka uu jiro ee uu si fiican naaska u jaqay ama haddii laga fursan waayey uu caano tayo leh soo qaatay, in waalidku si fiican u xakameeyo una hubiyo cuntada iyo nafaqaynta uu ilmihiisa siinayo. Inta badan waxaa dhacda in bilowga cunto ee ilmaha uu waalidka ama ehelka kale ay ilmaha ku ababiyaan caadooyin cunto oo xun oo ilmaha lagu bilaabo mararka qaarkoodna uu qabatimo marka uu weynaado. Waxaa ka mid ah in ilmaha la baro mac-macaanka, (Xalwadda iwm), Jibiska, sharaabbada soodhaha leh, cuntooyinka dhaqsaha ah, baradhada la shiilay iwm. Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in ilmaha cuntooyinkaas dhammaantood laga dheereeyo maadaama oo ay khatar ku yihiin caafimaadka calooshiisa, ilkihiisa iyo caafimaadkiisa guud oo dhan, taas beddelkeedana ilmaha la baro cunista khudradaha kala duwan oo aad ugu fiican caafimaadka.

Halbeegyo guud:

Sannadka koowaad carruurtu Dheddig iyo Lab uguma kala duwan dhererka iyo miisaankaba, waxa aanay ku xidhan tahay uun inta badan dhinaca hiddaha labada waalid. Si kastaba ha ahaato ee marka si guud loo qiyaasayo, ilmaha gu’ jirka ah dhererka laga filanayaa waa in uu noqdo 60 Sentimitir, miisaankiisuna uu noqdo 8 Kiiloogiraam, dhammaadka sannadka labaad ee da’diisana waxaa laga filayaa in uu noqdo 86 Sentimitir, oo dhererka ah iyo 12 Kiloogiraam oo culayskiisa ah, mar kastana niyadda ku hay in tiradani in yar siyaasi karto ama intan ka yaraan karto.

Halbeegyada koritaanka wiilka marka uu dhasho illaa inta uu sannadka koowaad buuxsanayo

dddddddddddd