Xeelado Ku Dhaqankoodu Fudud Yahay Oo Kuu Sahlaya In Aad Kasbato Quluubta Dadka Kugu Xeeran

0
483

Waa qayb kale oo ah qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee uu wargeyska The Independent ku soo ururiyey xogaha la xidhiidha xeeladaha ugu habboon ee qofku si dhaqso ah u kasban karo quluubta dadka ku xeeran:

7. U qir aqoonta iyo waayo-aragnimada uu leeyahay: Inta badan aadamuhu waxaa ku beeran ruux jacaylka naftu waxa kale oo dhan kaga xooggan yahay, sidaa awgeed khubarada cilmiga bulshadu waxa ay ogaadeen in qofka aad aad dareensiiso karaamo iyo dheeraad uu dad badan dheer yahay in ay ku abuurto in uu qalbiga kuu furo oo kugu soo dhowaado. In qofka aad dareensiiso in uu aqoon u leeyahay ama khabiir ku yahay  arrinka aad weydiinayso, tusaale ahaan in aad ku tidhaahdo, “Adiga ayaa waayo-aragnimo fog u leh iibgeynta bulshada ee arrintaasi sidaas ma’ tahay. Ama adigaa arrintaas cilmi u leh ee fahamkaas aan ka haystaa ma saxan yahay” Marka aad qofka ereyadaa ku tidhaahdo, waa uu godlanayaa, oo laabtiisa uu kuu furayaa, si uu dantaada ama arrinka aad ka leedahay sida ugu fiican kaaga shaafiyo.

8. Is-bar in aanad ka hor iman ammaanta afgobaadsiga ah ee dadka kaaga timaadda: Qofku caadi ahaan ma jeclaysto in lagu ammaano wax aanu mudnayn ama xitaa in aad loogu ammaano waxa uu mudan yahay, mararka qaarkood qofku waxa uu ka baqaa in haddii ammaantaas uu aqbalo ay dadku u qaataan in uu ku dagmay ammaantaas ama qab isku abuuray. Sidaa awgeed qofka ammaantu uga timid isaga oo khajilaadi ka muuqato ayaa uu si yara qallafsan ugu jawaabaa ama guux iyo foorarsi ku soo xidhaa sheekada.

Haddaba khubarada cilmiga bulshadu waxa ay ku talinayaan in haddiiba ay dhacdo in qofku uu ku ammaano, sida saxda ahi ay tahay in aad nafsiyan aqbasho ammaantaas, kadibna aad kaga jawaabto ereyo mahadnaq ah, ugu yaraan “Mahadsanid” ku dheh qofkaas. In qofkii ku ammaanay uu kaa maqlo mahadnaq waxa ay abuurtaa in uu arko inuu helay hab uu intii hore kaaga soo dhowaan karo iyo in aad isaga naftiisa ka raalli tahay.

9. Haddii qof kuu warramayey hadalka laga dhex galo, ku noqo oo ka codso in uu sii wado: Inta badan waxaa dhacda in marka dad badan lagu haasaawayo, marar badan qof waday sheeko uu u arko in ay fiican tahay laga dhex galo oo qof kale sheeko ku gooyo. Haddii aad goobtaas fadhido, ama aad tahay qofka sheekada soo dhex galay, taas oo ah dabeecad aan fiicnayn. Ku dadaal in marka sheekada dambe dhammaato aad dib ugu noqoto ama dadka oo dhan dib ugu celiso qofkii sheekaynayey si uu u sii dhammaystiro, adiga oo weliba qaab codsi ah ugu dhigaya in uu sheekadii sii wado, una muujinayo in aad xiisaynayso, weliba in aad xasuusiso halkii uu marayey ayaa ah waxa ugu fiican ee qofka soo jiita. Waxa uu isu arkayaa in la ixtiraamayo, sheekadiisana la xiisaynayo taasina waxa ay ku soo dhoweynaysaa qofka ama bulshada oo uu qalbigiisa u furayo.

10. Cabashada badan iska jir: Cabashada badan waxaa lagu yaqaannaa ruuxa niyad-jabka, qulubka, sakatiga iyo xaaladaha la midka ah ee nafsiga ahi haystaan, dadka kugu xeeranina waxa ay mar kasta jecel yihiin in aad noqoto ruux fiirfircoon, oo u qalbi furan, noloshana dhinaca fiican ka eega, sidaa awgeed si dadka kugu xeeran aad u kasbato quluubtooda yeelo saaxiib keliya oo aad uga warranto xaaladahaaga aan quruxda badnayn si aad laabtaada culayska uga yarayso, laakiin ha noqon ruux bulshada oo dhan xaaladihiisa gaarka ah uga warrama si aanay kaaga fogaan.