Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 6aad)

0
605

ffffffSida buuggan uu Hersh ku sheegayo xilligani waxa uu ku beegnaa markii uu ugu xumaa xidhiidhka Baakistaan iyo Maraykanku, waxa jira cabasho badan oo uu Maraykanku ka qabay la shaqaynta Baakistan ee dhinaca. Waxaa joogsatay caawimadii uu Maryakanku siinayey Baakistaan oo muhiim u ahayd Baakistaanta, sida uu sarkaalkan hawlgabka ahi sheegayna, waxa uu Maraykanku dib dhigay diyaaradaha dagaalka ee F-16 oo uu siinayey dalka Baakistaan, waxaa iyaduna meesha ka baxday lacagihii wasaaradda difaaca Maraykanku ku gunnayn jirtay saraakiisha sare ee ciidamada iyo sirdoonka Baakistaan.

Bishii Abriil 2011kii ayaa uu taliyihii sirdoonka Baakistaan Axmed Baasha uu la kulmay agaasimaha wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA, Leon Panetta. Kulankan oo ka dhacay xarunta guud ee CIA da ee dalka Maraykanka Baasha waxaa loo ballan qaaday in Maraykanku uu dib u bilaabi doono lacagtaas iyo caawimooyinkiiba, Baasha isna waxa uu dhinaciisa Maraykanka u dammaanad qaaday in Baakistaan aanay hor istaagi doonin hawlgalka lagu khaarajinayo Usaama Bin Laadin.  Sarkaalkan hawlgabka ahaa ee qoraaga u warramay isaga oo arrintan ka sheekaynaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Baasha, waxa kele oo uu ku adkaystay in Washington ay joojiso cabashadeeda joogtada ah ee ay ku sheegto in Baakistaan aanay sidii ku habboonayd uga caawinayn dagaalka ka dhanka ah argagaxisada” Dhinaca kalana Baasha waxa uu Maraykanka sharraxaad waafi ah ka siiyey sababta ay Baakistaan sir uga dhigtay qabashada Usaama Bin Laadin, oo inta ay Baakistaan qabatay, haddana aamusni guri ugu haysay. Sidoo kale waxa uu Baasha Maraykanka ka shaafiyey sababta ay Baakistaan ugu adkaysatay in sir laga dhigo kaalinta uu sirdoonka Baakistaan (ISI) ka qaadan doono dilista Usaama.

“Waxa aanu u baahnayn La-hayste aanu ku beddelanno gacan ku haynta xidhiidhka aanu la leenahay Al-Qaacida iyo Daalibaan” ayaa uu Baasha ku yidhi sirdoonka Maryakanka. Waxa uu sheegay in sirdoonka Baakistaan uu doonayey in Bin Laadin ay u adeegsadaan ka hortegista weerarro iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo ciidan oo laga yaabo in Al-Qaacida ama Daalibaan ay ku fuliso Baakistaan gudaheeda ama danaha ay Baakistaan ku leedahay Afghanistan. Sida uu Baasha sheegayo madaxda u sarraysa Daalibaan iyo Al-Qaacida waa ay ogaayeen in sirdoonka Baakistaan uu gacanta ku dhigay Sheekh Usaama Bin Laadin, sidaa awgeed waxa ay diyaar u ahaayeen in ay ka taxaddaraan wax kasta oo iska hor keenaya iyaga iyo sirdoonka Baakistaan. Sarkaalka hawlgabka ahina waxa uu sheegayaa in hoggaanka sirdoonka Baakistaan uu masuuliyiinta Alqaacida iyo Daalibaan dareensiiyey in haddii ay ku kacaan wax hawlgal ah oo ka dhan ah danaha Baakistaan ay iyaguna Usaama Bin Laadin u dhiibi doonaan Maraykanka. Iyada oo ay sidaas tahay, haddana Baakistaantu waxa ay ka cabsi qabeen in haddii ay qirtaan in ay hayaan Usaama Bin Laadin oo ay u dhiibaan Maraykanka ay taasi ku keeni doonto aargoosi kulul iyo xiisado amni darro, waana sababta markan dambana ay u diidanaayeen in la sheego kaalinta uu sirdoonka Baakistaan ku lahaa khaarajinta Maraykanka ee Usaama Bin Laadin.

Sida sarkaalka hawlgabka ahaa ee Maraykan iyo dad kale oo xog-ogaal ahi u sheegeen qoraaga buugga, mid ka mid ah kulamadii dhex maray Panetta oo ahaa taliyaha CIA iyo Baasha oo ahaa Taliyaha ISI, aya sarkaal sare oo ka tirsan CIA oo kulanka fadhiyey waxa uu BAasha weydiiyey, in isaga qudhiisu uu basaas qarsoodi ah u yahay Al-Qaacida iyo Daalibaan. Baasha waxa uu si deggen ugu jawaabay, “Uma ihi, laakiin ISI waxa ay u baahan tahay kaalin in ay ku yeelato hawlaha socda” saraakiisha CIA ee madasha fadhiday farriinta ay jawaabta Baasha kala baxeenna waxa ay ahayd in taliyaha ciidamada Baakistaan Kayani iyo taliyaha sirdoonka Baakistaan Baasha ay Bin Laadin u arkayeen in uu yahay il-dhaqaale iyo in ay aad u danaynayeen badbaadada naftooda in ka badan inta ay u danaynayeen Maraykanka iyo badbaadadiisa”

Sarkaal Baakistaani ah oo ay xidhiidh dhow lahaayeen rag ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee ISI ayaa qoraaga u sheegay in bilowgii wada hadallada ISI iyo CIA ee la xidhiidhay Usaama ay Baakistaantu waxoogaa is giijisay laakiin ay aakhirkii khasab noqotay in ay tanaasusho, sababtuna aanay ahayn uun dano shakhsi ah oo ay taliyeyaashu u arkeen in ay arrintaas ka hodmayaan, laakiin ay ahayd khatar ay arkeen oo ah in dhammaan barnaamijka caawimo ee Maraykanku Baakistaan siiyaa uu joogsan doono, “Waxa ay noogu hanjabeen in aanu macaluuli doonno, haddii aannaan samayn sida ay rabaan” ayaa uu yidhi sarkaalkan is qariyey, waxa aanu sheegay in markii xaal halkaas gaadhay ay Baaksitaantu soo tanaasushay. Baasha oo Maraykanka joogayna uu u sheegay in ay aqbaleen in laga wada shaqeeyo arrinta Usaama. Halka uu Maraykanku ka ballan qaaday in uu Baakistaan caawimada ka sokow wax badan oo wanaagsan oo kale tari doono. Sidoo kale booqashada Baasha uu ku tegey Maraykanka waxaa ka dhashay in Maraykanku uu ballan qaado in Baakistaan ay gacan xor ah ku yeelato arrimaha Afgaanistaan, taas oo durbadiiba Baakistaan bilowday kadib markii ay ciidan gelisay gudaha xuduudka Afgaanistaan. Maraykankuna aanu waxba ka odhan. “Sidaa awgeed ayaa ay madaxdayada sare noo sheegeen in arrintani ay danta dalkayaga tahay” ayaa uu yidhi sarkaalka Baakistaaniga ah ee qoraaga u warramay.

Labada taliye ee sirdoonka iyo Milateriga Baakistaan, Baasha iyo Kayaani ayaa la saaray masuuliyadda ah in ay hubiyaan in ciidamada Baakistaan iyo difaacooda cirku aanay horjoogsan ama farogelin diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Maraykanka ee ka qayb qaadan doona hawlgalka Usaama Bin Laadin lagu khaarajinayo. Dhinaca kalana unugtii aynu hore u soo sheegnay ee ciidamada Maraykanka ka joogtay saldhigga Baakistaan ee Tarbela Qaazi waxaa iyagana loo xilsaaray in ay isku xidhaan isgaadhsiinta sirdoonka Baakistaan ee ISI, saraakiisha sare ee ciidamada Maraykanka eek u sugan saldhiggooda Afgaanistaan, iyo labada diyaaradood ee hawlgalka fulinaya oo ahaa nooca qummaatiga u kaca ee Black Hawk loo yaqaanno. Qorshuhu waxa uu ahaa in aanay diyaaradaha dagaalka ee Baakistaan ee roondada ku ilaalaynaya xuduudku hor-istaagin diyaaradahan soo galay hawadooda ama qaadin tallaabo ay ku joojinayaan sida in ay soo ridaan.

Qorshaha hore ee Maraykanka iyo Baakistaan waxa uu ahaa in aan hawlgalkan iyo dilka Usaama Bin Laadin midna la sheegin, oo ay sir ahaadaan illaa ugu yaraan toddoba maalmood ay ka soo wareegaan. Marka toddobaadkaas am aka badani ka soo wareegaan, kadibna la dhiso sheeko xaqiiqada lagu dambabaso oo ah, in Madaxweyne Barak Obama uu ku dhawaaqo in baadhitaanno DNA ah oo la sameeyey ay xaqiijiyeen in Usaama Bin Laadin uu ku dhintay weerar cirka ah oo ay diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ku qaadeen buuraha Hindu Kush, gaar ahaan xadka dhinaca Afgaanistaan.

Masuuliyiinta Maraykanka ee hawlgalkan qorsheeyey ayaa Kayaani iyo Baashe u ballanqaaday in iskaashigoodan aan abidkiina cid loo sheegi doonin. Waxaa dhammaan la isa ogaa in haddii kaalinta ay Baakistaan arrintan ku lahayd la ogaado, ay Baakistaan ka dhici doonaan dibad-baxyo rabshado wata iyo xaalado amni xumo keenaa. Waayo dad badan oo Baakistaan ah ayaa Usaama bin Laadin u arkayey in uu Halyeey yahay. Waxaa laga cabsi qabay in qoysaska Baasha iyo Kayaani qudhoodu ay khatar geli doonaan, iyo in ciidamada Baakistaan ay si badheedh ah amar diiddo u samayn karaan iyaga oo arrintan ka cadhaysan.

Baasha kulan uu la yeeshay masuuliyiinta sare ee sirdoonka waxa uu si cad ugu sheegay in hadda kadib aanu Usaama badqab ku sii joogi karin, shirkan oo dhacay bishii Abriil waxa uu Baasha ka sheegay in intaas ka badan aanay Baakistaan ku sii adkaysan karin in aanay ogeyn halka uu Usaama Bin Laadin joogo iyada oo la og yahay xitaa guriga uu deggen yahay ee Abbottabad, haddii kale ay taasi khatar badan ku keeni karto dalka. Xilligan waxa kale oo warka arrintan la ogeysiisyey masuuliyiin sare oo badan, tusaale ahaan Kayaani waxa uu qisada oo dhammaystiran uga warramay taliska ciidamada difaaaca cirka iyo weliba midhad taliyeyaasha hoose ka mid ahaa oo uu ku kalsoonaa. La soco…