Korniinka Dabiiciga Ah Ee Ilmaha (2): Qiyaasta Koritaan Miisaanka Ilmaha Iyo Caafimaadkiisa Guud

0
864

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo ururiyey barnaamij ka baxay talefishanka MBC iyo qormooyin kale oo caafimaad, waxa ay ka hadlaysaa heerar dhererka iyo miiisaanka dabiici ahaan saxda ku ah caafimaadka ilmaha.

Hooyada ama ruuxa ka masuulka ah daryeelka ilmaha iyo guud ahaan labada waalidba waxaa la gudboon in ay waqti cayiman u gooyaan miisaamidda ilmaha oo joogto ah si ay u hubiyaan in koritaankiisu dabiici yahay, tusaale ahaan waxa ay ka dhigan karaan in labada bilood ee ugu horreeya cimriga ilmaha, labadii toddobaadba mar la miisaamo oo la qoro si loola socda inta ku kordhaysa, kadibna laga dhigo bil asta in mar miisaanka la saaro. Ilmuhu caadi ahaan marka uu dhasho miisaankiisu waa 2.5 illaa 4 Kiiloogiraam, marka uu dhasho kadibna waxaa durbadiiba bilaabanaya korniinkiisa, haddi aynu eegno ilmaha si fiican loo daryeelo ee naaska jaqa qiyaasta korniinkiisu celcelis ahaan waxa ay noqonaysaa:

– Saddexda bilood ee hore: Ilmaha waxaa toddobaad kasta u kordha miisaan celcelis ahaan noqda 196 Giraam.

– Saddexda bilood ee xiga: Ilmaha waxaa toddobaad kasta u kordha miisaan celcelis ahaan noqda 148 Giraam.

– Saddexda bilood ee xiga: Ilmaha waxaa toddobaad kasta u kordha miisaan celcelis ahaan noqda 113 Giraam.

– Saddexda bilood ee xiga: Oo uu ilmuhu gu’ jir noqonayo waxaa toddobaad kasta u krodha miisaan ah 71 Giraam.

– Sannadka labaad: Ilmaha miisaankiisa waxaa toddobaad kasta celcelis ahaan ku kordha miisaan ah 42 Giraam.

Laakiin waxaa jira sababo kale oo aan ahayn uun naaska jaqiddiisa iyo nafaqaynta ilmaha, kuwaas oo ka qayb qaata koritaanka miisaanka ilmaha, waxaa ka mid ah hidde-raacista miisaanka labada waalid ama midkood, gaar ahaan hooyada ayaa ay u badan tahay, waa se’ haddii ay naaska jaqsiinayso.

Marka aynu dhererka eegnaha waxaa dabiici ah in ilmuhu dabayaaqada sannadka labaad ee da’diisa uu dhererkiisu noqdo illaa 80 Sentimitir.

Dhinaca kalana waxa ay khuabradu sheegeen in ay jiraan halbeegyo badan oo ka muhiimsan in ilmaha miisaankiisa uun la eego, kuwaas oo ay ka mid tahay in lala socdo xaaladdiisa guud, firfircoonidiisa, hab-dhiska difaaciisa iyo adkaysiga uu u leeyahay xanuunnada fudud, iyo wixii la mid ah, laakiin haddana ay weli muhiim tahay joogtaynta qiyaasidda koritaanka dhererka ilmaha.