Xeelado Ku Dhaqankoodu Kuu Sahlayo In Aad Kasbato Quluubta Dadka Kugu Xeeran

0
664

Qof kastaa waa uu jecel yahay in uu kasbado quluubta dadka ku xeeran ee ay shaqo ama sheeko wadaagta yihiin ama dano kale isu keeneen, laakiin in yar ayuun baa og in ay gacantooda ku haystaan xeeladdii taas u sahli lahayd. Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u roga, ayaa wargeyska The Independent waxa uu ku soo ururiyey xog la xidhiidha xeeladaha ugu habboon ee qofku si dhaqso ah ula qabsan karo ku dhaqankooda kana caawinaya in dadka ku xeerani u qalbi furnaadaan:

1

1. Xidhiidhka indhaha: Waa arrin fudud in qofka kula hadlaya aad indhaha siisaa, laakiin waxa ay leedahay culays weyn oo ah in qofka ay soo jiidato, in ay tusto inaad tahay ruux isku kalsoon iyo in aad ixtiraam u hayso oo warkiisa dhugmo aad u leedahay.

2. Marka aad dad la sheekaynayso Talefankaaga jeebka ku sido: Muddooyinkan dambe waxaa caado noqotay in qof kastaa uu qaato talefanka gacanta ee casriga ah, marar badanna waxaaba dhacda in qofku sheekada iyo warka loo wado kaga mashquulo wad-wadista talefankiisa, gaar ahaan marka uu internet ku u furan yahay. Arrintani waxa ya qofka kula jooga u muujinaysaa in aanad wax ixtiraam ah u muujinayn.

3. Dadka magacooda ugu yeedh: In qofka marka la salaamayo magaciisa loogu yeedho ama sheekada iyada oo loo wado magaciisa la xusaa waxa ay ku beertaa shucuur farxadeed oo ah in ixtiraam iyo qaddarin loo hayo, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in dadka aad la xidhiidho aad magacyadooda ugu yeedho, kulana hadasho.

4. Dhoolla caddayn: Weligaa ha dhayalsan qiimaha ay dhoolla caddayntu leedahay. Diinteennu waxa ay inoo sheegtay in ay sadaqad tahayba, khubarada cilmiga bulshaduna waxa ay aaminsan yihiin in dhoolla caddaynta, qosolka aan badnayn codka dheerna ahayn iyo kaftanka koobaninba ay qayb ka yihiin luuqadda jidheed ee qofka kula hadlaya u muujinaysa xiisayn iyo in waxa uu ka hadlayo aad dhegegysigiisa raalli ku tahay, waxa aanay ku abuuraysaa in ixtiraam gaar ah uu kuu hayo, qalbigiisana kuu furo.

5. Gacan-qaad kalsooniyi ka muuqato oo xooggan: Gacan-qaadka aad u dabacsani waxa uu qofka dareensiiyaa soo dhoweyn la’aan iyo in aanad kulankiisa ku faraxsanayn, iskana jir in aad qofka ku xoogsato oo uu gacan-qaadkaaga dhibsado, cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuraya in qofku uu salaanta koowaadba ka qaato faham la xidhiidha illaa xadka aad kalgacal iyo soo dhoweyn u hayso, gacan-qaadka firfircoonida iyo diirranaantu ka muuqataana dareenkaas ayaa uu qofka ku abuuraa, sidoo kale adigana waxa uu kuu muujinayaa in aad tahay ruux jidh ahaan iyo nafsad ahaanba xooggan oo aragtidiisuna dhinaca san u badan tahay.I

6. Dhegeysiga: Inta aad hadasho in ka badan wax dhegeyso, waxaa jirta xikmad qaddiimi ah oo sheegta in sababta qofka labada dhegood loogu sameeyey afkana mid looga dhigay ay tahay in ay tahay in dhegeysigu ka bato hadalka. In dadka aad u muujiso dhegeysi ixtiraam leh oo badani waxa ay keentaa in ay hadalkaaga dhugmo u yeeshaan xikmad fogna ka dhadhansadaan, maadaama oo uu soo gaadhayo xilli ay xiisaynayaan.

Dhegeysigu ma’aha in aad aamusnaato oo keliya, balse dhegeysiga saamaynta ku yeesha qofka kula hadlayaa waa ka ay ka muuqato xiisaha gaarka ah iyo in aad jeclaysanayso hadalka, waxaa jira afar tallaabo oo dhegeysiga muhiim u ah, qofkana dareensiinaya in aad dhegeysiinayso, kuwaas oo ah; Dhegeysi, Fasiraad, Qiimayn, iyo Jawaab celin marka ku habboon ah.

Dhegeysigu waxa uu keenayaa in hawlaha kale oo dhan aad ka soo jeesato oo qofka aad si fiican u qaabisho, ta labaad waa in mararka qaarkood hadalkiisa sida uu u dhigay si aan ahayn oo la macne ah ama sii qurxinaysa aad u dhigto, iyo in aad weydiiso su’aalo sii faahfaahin aad ku doonayso, ta xigta oo qiimaynta ah waxaa looga jeedaa in aanad ku degdegin xukumidda iyo go’aan ka gaadhista hadalka ama qofka oo sheekada kuu wada aanad ku ordin natiijada u dambaysa, waayo waa muhiim in qofka inta aanad jawaab siin aad hubiso in aad fahamtay waxa uu u jeedo oo dhan, ugu dambayntana waa in aad qofka aad u muujiso ishaarooyin u caddeeya in aad warkiisa la socotay, si fiicanna u fahamtay.