Ardayda Dugsiga Sare Ee Muj Quule Aadan Oo U Diyaar Garoobay Imtixaanka

0
600

Hargeysa(Geeska)-Ardayda dugsiga sare ee Mujaahid Quule Aadan Dool ee magaalada Hargeysa, ayaa sannadkan si weyn ugu diyaar garoobay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2015/2016 ee dalka oo maanta si rasmi ah u bilaabmaya.

13183191_695892743897529_1155306696_n

Sida uu sheegay maamulaha dugsigan Mr. Shiine Cabdi Hayaan, ardayda dugsiga sare ayaa u diyaar garoobay imtixaankan, halka ay ardayda fasalada labaad ee dugsiga sarena galayaan imtixaanka loo yaqaan Half GC-ga.

Wuxuu maamuluhu sheegay in ardayda fasalada labaad ee dugsiga sare ay sannadkan imtiaanka ku geli doonaan kaadhadhka aqoonsiga, kuwaas oo uu maamuluhu sheegay inay sabab u tahay arrimaha kala ah:

In ardayga lagu sii tababaro habka ama qaabka ay ardaydu u fadhiistaan wkahtiga imtixaanka shahaadiga

in ardaydu ay bartaan in baadhku aanu lahayn cabsi iyo dhibaato ee uu yahay astaan

in ardaydu la sii qabsadaan habka ama qaabka loo ilaaliyo.

Maamule Shiine Cabdi Hayaan wuxuu u mahadceliyay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdillaahi Ibraahim Habane, oo uu tilmaamay inuu xil iska saaray kor u qaadista waxbarashada dalka. “Marka hore waxaa mahad iska leh Illaaheena weyn ee inoo ogolaaday ama ina siiyey wakhtiga,Dadaalka iyo Caafimaadka aynu wax ku baranayno. Marka labaad waxa aan halkan ku hambalyeynayaa Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Cabdilaahi Ibraahin Habane oo had iyo goor ku hawlan sidii uu u horumarin lahaa waxbarashada Dalka Jamhuuriyada soomaaliland.” ayuu yidhi Maamulaha dugsiga Quule Aadan Dool Mr. Shiine Cabdi Hayaan.