Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya Oo Waraysi Gaar Ah Kaga Jawaabay Aragtida Dawladiisa Ee Shirkii Dubai, Xafiiska Ay Hargeysa Ka Furanayaan Iyo Qodob Kale

0
568

 

sfaaradaLondon (Geeska)- Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan dalka Somaliya Danjire Matt Baugh, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaga jawaabay su’aalo badan oo ku saabsan Somaliland iyo xidhiidhka ay dawladooda Ingiriisku la leedahay.

 

Mr. Matt Baugh, oo isagoo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya uu waraysi la yeeshay weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan bahda Geeska Afrika,wuxuu ka hadlay awoodda xafiiska ay dawladiisu dhawaan si rasmi ah uga furan doonto magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka jawaabay waxa ka jira warar soo baxay oo sheegayay inaanay dawladda Ingiriisku la dhacsanayn shirkii ay magaalada Dubai ku yeesheen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya, waxaanu cadeeyay inay dawladoodu shirkaas Dubai ka qayb gashay islamarkaana ay si rasmi ah u taageersantahay wixii ka soo baxay.

Waraysigaas oo uu safiirku sidoo kale kaga jawaabay su’aalo kale oo uu Geeska Afrikaweydiiyay isagoo dhammaystiran wuxuu u dhacay sidan:

Imisa shaqaale ayaa ka hawlgeli doona xafiiska dawladaadu ka furanayso Somaliland, sidee lagu qaadanayaa?

Waxaa noo jooga laba shaqaale reer Somaliland ah oo ka shaqeeya mashaariicda iyo siyaasada. Dublumaasiyiinta Ingiriisku sidoo kale booqashooyin ayey kaga iman doonaan Hargeysa safaaradayada Addis Ababa iyo xafiiska Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ee Nayroobi.

Xafiiska UK ee Hargeysa ma xafiiskaaga Nayroobi ayuu hoos iman doonaa, mise waa mid madaxbanaan, sida markii horeba danaha Ingiriiska ee Somaliland lagala xidhiidhi jiray safaarada UK ee Addis Ababa? 

Xafiiska UK ee Hargeysa waxa guud ahaan ka shaqeyn doona saraakiil ka socota safaarada Addis Ababa, iyadoo marmar soo booqan doonaan shaqaale ka socda xafiiska Ingiriiska ee arrimaha Soomalida ee Nayroobi.

Waxa jiray warar sheegayey in Ingiriisku aanu ku qanacsanayn, isla markaana aanu ka qeybgelin kulankii lagu qabtay Dubai, taasi ma dhabaa?, haddaanay ahayn, maxaa loogu bixiyey Axdigii Dubai?

Waxaan si muuqata u taageeraynay wada hadal dhexmara xukuumada Somaliland iyo Xukuumada-ku-meel-gaadhka ee Soomaliya. Waxaan martigelinay kulamadii hor-dhaca labada dhinac ku yeesheen Chevening bishii June, isla markaana soo dhoweynay go’aankii Chevening. Waxaan sidoo kale ka qeybgalay saxeexii Go’aankii Dubai ee dhinac socday kulankii la-dagaalanka budhcad-badeedka ee Dubai, waxaanan sii wadi doonaa taageerida wada-hadalo waxtar leh.

Miyuu xafiiskiina Somaliland bixin doonaa fiiseyaasha, marka hawlahiisa kale laga yimaado?

Xafiiskani ma bixin wax fiiseyaal ah. Dhamaan hawlaha la xidhiidha fiiseyaasha waxa lagala xidhiidhi doonaa xafiisyada Ingiriiska ee Addis Ababa ama Nayroobi. Mustaqbalka waxaan ka fekeri doonaa waxyaalaha xafiis qunsuliyad qabto ee aanu ka fulin karno.

Ma filaysaa in xukuumada Ingiriisku si hoose ula shaqeyso Somaliland marka la barbar-dhigo sida Talyaanigu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya?

Waxaan qorshaynayaa inaan xafiis ka furano Hargeysa ka caawiya Ingiriiska inuu xoojiyo xidhiidhka uu kala leeyahay Somaliland dhinacyo badan oo aanu ka wada shaqeyno. Xafiiskaasi waxuu noqon doonaa  xidhiidhka Ingiriiska, oo ka caawin doona fudueynta booqashooyinka, iyo wada shaqeyn dhow oon la yeelano Somaliland. Muddo ka dib taasi waxay balaadhin doontaa iskaashiga aanu la leenahay Somaliland, oo ka mid tahay abuurida horumar iyo isku filaansho dhaqaale. Waxaan sidoo kale sii wadi doonaa la shaqeynta xukuumada ku-meel-gaadhka ee Soomaaliya, anagoo u mari doona xafiiska Ingiriiiska arrimaha soomaaliya ee Nayroobi.