Kooxda Khaatumo Oo Qorshaysay Kharbudaad Ay Ku Qaadaan Ciidamada Qaranka Ee Aaga Sool

2
627

Taleex (Geeska) – Kooxda nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo, ayaa ku dhawaaqay colaad ka dhan ah ciidamadda qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha Sool iyo Buuhoodle ee Somaliland, waxayna sheegeen inay qaadayaan dagaal ay ku sheegeen in lagu xoreynayo dhulka ay ku andacoodaan in laga haysto.

Hor-joogayaasha kooxdaasi oo saddexdii bilood ee u dambeeyay shirar uga socdeen degmada Taleex ee Gobolka Sool, ayaa si wada jir ah uga hadlay qorshayaal ay shirarkaasi ku dejiyeen oo la xidhiidha sidii-bay yidhaahdeen loo xoreyn lahaa deegaanada gobolka Sool iyo Buuhoodle oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo milatariga Somaliland ah.

Cabdinuur Cilmi Qaanje (Biindhe), ah ninka kooxdaasi ugu Magacaaban Madaxwaynaha oo ka hadlay Munaasibad loo qabtay arday wax ka barata dugsi ku yaala Taleex, ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay xoreeyaan ama ku dhintaan deegaankaasi “Iskuma khilaafsani xoreynta dalka ee waxaanu isku keenaynaa wixii dagaalka lagu gali lahaa, waxaanu idinka balan-qaaday inaanu xoreyno ama aanu ku dhimano” ayuu yidhi.

Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-Sheel) oo isna Madaxwaynihii kooxdaasi ee ka horeeyay Qaanje, ayaa isaguna xafladaasi ka sheegay sidan “Saddexdii biloodba waxaanu ka shireynay sidii deegaanku u xoroobi lahaa, qorshaheedii iyo ku tallo-galkeedii waanu dhamaynay, fulinteediibaa noo bilaabmaysa,” ayuu yidhi.

 

Comments are closed.