Koofeerka Iyo Kiriimada La Isku Qurxiyaa Waxa Ay Jidhka Ku Soo Dedejiyaan Calaamadaha Gabowga

0
638

Washington (Geeska)- Baadhitaanno cilmiya ayaa ka digay khatarta ay leedahay isticmaalka badan ee jidh qurxinta ay koofeeradu sameeyaan. Khatarahaas waxaa ka mid ah in dawooyinka iyo qalabka uu koofeerku u isticmaalayo qurxintu ay halis ku yihiin caafimaadka jidhka iyo nolosha unugyada maqaarka eel agama maarmaanka ah. Sidoo kale waxa uu keenaa in uu qofku qaado Caaro (Allergic) uu maqaarku ka qaado qorraxda una adkaysan kari waayo kulkeeda.

Xeeldheerayaal ku takhasustay maqaarka oo ka tirsan Jaamacadda California ee dalka Maraykanka ayaa caddeeyay in kiriimada la isku qurxiyo iyo waliba waxyaabaha kale ee koofeeradu ku qurxiyaan jidhka ay ku jiraan maaddooyin marka uu jidku barto soo dedajiya coodh-coodhka wejiga iyo calaamadaha muujiya da’da. Sababtuna ay tahay maqaarka oo u nuglaanaya kuna caaroonaya fallaadha iyo kulka qoraxda. Waxa ay khubaradu sheegeen in xitaa kariimada ka samaysan waxyaabaha dabiiciga ah qaarkood sida kuwa ay ku jiraan dheecannada iyo dareerayaasha laga soo dheegto khudraddu, ay keenaan dhibaatooyinkan.

Waxaa xusid mudan in kiriimada la isku qurxiyo ay khasab u tahay in lagu sameeyo dheecaannadan khudradda oo si wayn uga qayb qaata qurxinta jidhka, laakiin waxa ay khubaradu aad uga digeen badsiga isticmaalka kiiramadan iyo guud ahaan qurxinta ay koofeeradu ku sameeyaan maqaarka, oo ay sheegeen in ay khafiifiso qarada dubka, illaa ay gaadho heer ay qofka ku keeni karaan Kansarka Maqaarka. Khubaradani waxa ay kula taliyeen qofku marka uu isticmaalo koofeerka iyo kiriimada la isku qurxiyo in uu ka daba isticmaalo kiriimada la iskaga difaaco fallaadhaha qoraxda.