Adeegga (Hello Cash) Lacag Isugu Dirista Talefanka Gacanta Oo Laga Bilaabay Itoobiya

0
872

Picture1Addis Ababa (Geeska)- Baangiga caalamiga ah ee Lion oo laga leeyahay dalka Itoobiya iyo shirkad ay Soomaali leedahay oo lagu magacaabo Somali Micro Finance ayaa isu kaashaday barnaamijka talefanka gacanta lacagta la isugu dirayo, waxa aanay si rasmi ah 9kii bishan Feebarweri dalka Itoobiya ugaga dhawaaqeen adeeggan oo ay u bixiyeen HelloCash.

Shirkaddan bixisa adeegga tiknoolajiyadda ee xarunteedu tahay dalka Itoobiya ayaa hadda kadib adeegsan doontan habkan talefanka gacanta lacagta la isugu dirayo oo la filayo in uu gaadho dhammaan dadka itoobiyaanka ah. Macaamiisha hadda iyo kuwa mustaqbalka ee bangiga caalamiga ah ee Lion iyo shirkadda Somali Micro Finance ayaanay u suurtogelinaysaa in ay adeeggan uga faa’idaystaan afar qodob oo muhiim ah oo kala ah: In ay lacag dhigtaan, In ay lacag kala baxaan, In ay lacag isugu diraan iyo in ay lacag ku bixiyaan talefankooda gacanta.

Warkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladaha wararka ee ay  Reuters ka midka tahay, waxa uu intaas ku darayaa in adeeggani uu si weyn dadka Itoobiya uga caawin doono in ay lacagta si sahal ah isu gaadhsiiyaan, gaar ahaan dadka ku dhaqan dhulka miyiga ah oo bangiyadu aad ugu yar yihiin. Laguna tiriyo in ay ka mid tahay dalalka ka hooseeya lama degaanka (Sub-Saharan) kuwooda ugu yar dhinaca adeegga bangiyada, iyada oo dadka bangiyada macaamil deyn qaadasho la’ leh lagu qiyaaso boqolkiiba 14, halka dadka reer baadiyaha ah boqolkiiba mid keliyi uu bangiyada xisaab ku leeyahay.

Adeeggan laga bilaabay dalka Itoobiya waxa uu qorshihiisu yahay in la sameeyo nidaam bangiyo iyo shirkado kala duwan oo kuwa maagelinta ee afka qalaad lagu yidhaahdo Micro finance ah la isku xidhayo si ay u bixiyaan adeeggan lacag isugu dirista talefanka gacanta iyada oo shirkad kastaa si gaar ah ula macaamilayso macaamiisheeda gaarka ah, nidaamkaas oo marka uu dhamaystirmo lagu wado in uu si fudud ugu faafo bangiyada iyo shirkadaha adeegga maaliyadda bixiya ee bariga Afrika oo dhan. Iyada oo iskaashiga shirkadahanina suurtogelin doono in ay wadaagaan wakiillada iyo laamaha si mid kastaaba uu u helo hab uu ugu shaqayn karo macaamiisha kan kale.

Agaasimaha BelCash International oo ah shirkadda adeeggan isku xidhaysa, Mountaga Vince Diop ayaa sheegay in hawshani ay bilow u tahay tallaabo aan dib u noqosho lahayn oo sida uu sheegay lagu xoojinayo sidii dalka oo dhan loo gaadhsiin lahaa adeegga maaliyadeed.

Shirkadaha bixinaya adeeggan loo bixiyey Hello Cash ee dalka Itoobiya ayaa iyaguna dhankooda kalsoonid badan ka muujiyey in ay dhisayaan shabakad nooceeda aan hore loo arag oo saddexda sano ee soo socda dalka Itoobiya oo dhan ka samaysan doona in ka badan 20 kun oo wakiil / farac oo bixiya adeeggan si muwaadiniinta oo dhan ay u gaadho.