Koob Sharaab Tamaandho Ah Oo Aad Maalin Kasta Cabtaa Waxa Uu Kaa Ilaalinayaa Kansarka Prostate Ka

0
624

Washington (Geeska)- Kansarka ku dhaca qanjidhka manida ee raggu waxa uu ka mid yahay cudurrada si aadka ragga ugu dhaca, gaar ahaan kuwa ay da’doodu dhaaftay 60 ka gu’. Haddaba baadhitaanno badan oo ay xeeldheerayaasha caafimaadku ku sameeyeen daweynta Kansarkan ku dhaca qanjidhkan oo afka qalaad lagu yidhaahdo Prostate ayaa ay ku ogaadeen waxyaabo badan oo ay suurtogal tahay in ay yareeyaan khatarta cudurkan, waxaana ka mid ah qaabka cunto qaadashada, waana sababta ay dhakhaatiirtu isugu waafaqsan yihiin in ay qasab tahay in ninku caadadiisa cunto beddelo marka ay da’diisu Afartan sano gaadho, oo tusaale ahaan uu badsado cunista khudradda darayga ah iyo ta dabka gashaba labadaba, iyo in uu maalin kasta cabbo koob ah sharaab ka samaysan tamaandho la shiiday. Daraasaddan uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay oo ay faafisay majaladda Focus ayaa lagu sheegay in maadadda lagu magacaabo Lycopene oo tamaandhada ku jirta ahna maadadda midabka casaanka ah u samaysaa ay leedahay awood ay ku weerarto Moleekuleyaasha (Molecules) xun ee jidhka so ogala, taasina ay yaraynayso ama haddii muddo dheer cabbista sharaabkan la wado meeshaba ka saaraysa khatarta ah in qofkan uu ku dhaco cudurka kansarka noociisan ku dhaca qanjidhka xiniinyaha ee ragga.

Sababaha keeni kara kansarkan:

Khubarada qaar ayaa aaminsan in cimilada dalalku ay qayb ka noqoto sababaha oo uu cudurkani deegaannada qaar cimilada darteed ku badan yahay, hormoonka Testosterone oo ragga u gaar ah ayaa isaguna haddii nooc uun khalkhal ahi ku yimaaddo waxa uu keenaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurkani, gaar ahaan khalkhalka ku dhaca hormoonkani waa sababta ugu weyn ee dadka da’doodu yar tahay ku keena kansarkan qanjidhka manida.

Ka hortag fiican:

In ninku uu toddobaadkii saddex ama afar jeer sameeyo jimicsi ah ugu yaraan 45 daqiiqo ayaa ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee ka ilaalin kara in uu ku dhaco cudurkani.