Cirro, Xasan Guure Iyo Cabdirashiid Xasan Mataan Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Qabanayaan Shirka Talada Qaran

0
507

Picture2Hargeysa(Geeska) :-Isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee Ucid, Waddani iyo Madasha Wada-tashiga, ayaa ku dhawaaqay in ay qabanayaan 23ka bishan shir qaran oo socon doona muddo saddex cisho ah kaas lagaga tashanaayo ayaa ay yidhaahdeen aayaha mustaqbal ee Somaliland, waxa kale oo carabka ay ku dhufteen in shirkan lagaga hadli doono siddii qaranka Somaliland looga badbaadin lahaa in aanu mugdi hoggaamin la’aaneed ah galin 27ka bishan oo ku eeg muddo xilleedkii dastuuriga ahayd ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.  Hase yeeshee xukuumadda ayaa kaga jawaabtay hanjabaad iyo digniin.

Isbahaysiga mucaaradka

Isbahaysiga mucaaradka Somaliland oo ay u dhammaayeen hoggaamiyeyaasha Ucid, Waddani iyo Madasha Wada-tashiga, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay si wada-jir ah ugu qabteen hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka dib shirkaas saxaafaddu dibad joog ka ahayd bayaan ka soo baxay warbaahinta u akhriyey murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan.

“Maalin Salaasa ah oo ahayd 21kii bishii 7aad ee 2015ka, waxaa shir isagu yimi isbahaysiga mucaaradka Somaliland oo ah xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Ucid, xisbiga Waddani iyo Madasha Wada-tashiga, shirka la isagu yimi waxaa ka soo baxday in la qabto shirka wada-tashiga mucaaradka oo ah axsaabta qaranka oo aanu u aragno in uu yahay shir qaran haddii aanu nahay axsaabtii qaranka, waxaa la isla gartay ergooyinka shirka, tirada shir-guddoonka iyo weliba ajandaha shirka. Shirku waxaa uu qabsoomi doona 23ka, 25ka iyo 26ka bisha 7aad ee sannadkan aynu ku jirno 2015, maadaama ay xukuumaddu ku fashilantay qabashada doorasho aan dhaafin wakhtigii dastuurku u cayimay oo ku eekayd 26kii, Juun, 2015ka maadama ay xukuumaddu ka baxday heshiiskii laga gaadhay ama ay la gashay axsaabta qaranka si ay doorashooyinku innoogu qabsoomaan, maadaama muddo xilleedkii dastuurku siiyey xukuumada uu dhammaanayo 27ka bisha 7aad ee 2015ka, maadaama ay lagama maarmaan tahay in qaranka laga badbaadiyo in uu ku dhaco mugdi hoggaamin la’aaneed, waxaa lagama maar maan ay u arkeen axsaabta qaranku in ay isagu yimaadaan shirka ay uga tashan doonaan badbaadada dimuqraadiyadda iyo dastuurka qaranka Somaliland.”.Ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Xukuumada

Dhinaca kalena xukuumadda Siilaanyo, ayaa ganafka ku dhufatay dhawaaqan ka soo yeedhay isbahaysiga mucaaradka Somaliland, waxaana digniino adag u direen mas’uuliyiinta wada shirkan wada-tashiga qaran iyaga oo sida oo kalena fariin adag u diray hoteelada kireeya hoolalka shirarka isla mar ahaantaana aan lagu qaban karin shirkan ay ku baaqeen isbahaysiga mucaaradka Somaliland. Waxa kale oo ay xukuumadu u digtay hoteelada.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee amniga Axmed Faarax Cadarre, ayaa hadalkan iyo taliyaha ciidanka booliska Somaliland, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay si wada-jir ah ugu qabteen xarunta taliska ciidamada booliska Somaliland.

Md.Axmed Faarax Cadarre oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa digniin adag u diray xisbiyada mucaaradka iyo madasha wada-tashiga Somaliland, waxaana uu sheegay in shirkaas ay ku baaqeen in ay qabanayaan isbahaysiga mucaaradku uu khatar amni ku yahay qaranka Somaliland.

“Waxaad la socotaan in mucaaradka iyo madashan aan sharciga ahayn ay ku dhawaaqeen shir qeyrul sharci ah, wasaaradda arrimaha gudaha iyo ciidamadu muxaafad iyo mucaaradba, waxaa ay ilaaliyaan amnigooda, waana mas’uuliyad naga saaran, waxaanu uga digaynaa, shacabka reer Somaliland, gaar ahaan ganacsatada kireysa ama leh hoolalka lagu shiro ama guryaha waaweyn ee lagu qabto shirarka in shir aan sharci ahayn oo khatar galin kara amniga qarankeena aynaan ka raali ahayn, ciddii qabataana ay mas’uuliyadeeda qaadan doonto, waxaanu idin leenahay siddii aad amnigiina u ilaashan jirteen u ilaashada.”.Ayuu yidhi Axmed Faarax Cadarre.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, isna dhankiisa tilmaamay in ay heegan buuxa galiyeen dhammaanba ciidanka booliska Somaliland ee kala jooga goballada dalka, waxaana uu faray guud ahaan shacbiga Somaliland in ay ka qeyb qaataan ilaalinta nabad-galyada qaranka Somaliland. “Ciidanka Somaliland oo dhan ee ciidanka bileysku waxaa uu galay heegan, waxaana ay heegan u yihiin hawlahoodii caadiga ahaa ee nabad-galyada ama cid kasta oo isku dayda in ay nabad galyada qarankan ama bulshada Somaliland ay nabad galyadooda wax u dhinto, ayaa uu ciidanka bileysku u diyaar garoobay oo ay diyaar u yihiin iyaga oo tallaabo kasta sharciga ku dabakhaaya, tallaabo sharciga waafaqsan oo adagna qaadaya, waxaan kale oo halkan aan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland oo aan aad iyo aad uga mahad celinaayo sida wanaagsan ee ay had iyo jeer ciidanka bileyska u gacan siiyaan ugala shaqeeyaana nabad galyada wax kasta oo shaki ka kagalana ay soo gaadhsiiyaan ciidanka bileyska, waxay saraakiisha sare, kuwa dhaxe iyo gabi ahaanba ciidan weynaha jamhuuriyadda Somaliland ay ku amran yihiin in qof kasta oo muwaadin ah oo u soo dacwooda ama war soo gaadhsiiya ay ku qaabilaan gacmo furan, waxaan u diyaar nahay oo aanu u igmanahay in cid kasta oo isku dayda in ay nabad galyada carqaladayso ama sifo sharci darro ah istidhaahda nabad galyada khal khal ku gali, ciidanka bileysku waxaa ay diyaar u yihiin in ay gacan bir ah.”.Ayuu yidhi Taliye Fadal.