Koob Loogu Magac Daray Muj. Harag Waafi Oo Burco Lagu Soo Gunaanaday

0
953

 

Burco(Geeska)-Badhasaabku xigeenka  gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle ayaa ujeediyay masuuliyiinta Wasaaradda ciyaaraha gobolkaasi  in ay ka sii diyaargaroobaan sidii looga hortagilahaa  guuldaradii iyo fadeexadii dhinaca ciyaaraha ee ku habsatay cayaartoga gobolka Togdheer wakhtigii ciyaaraha goboladu ay Burco ka socdeen .

Badhasaab ku xigeenka ayaa sidaasi ku sheegay Kulan balaadhan oo laba kooxood oo ka mid ah kooxaha heerka kowaad wasaaradda ciyaaruhu ku gudoonsiinaysay  koobab kala duwan oo ay ku guulaysteen tartankii ciyaaraha ee bishii Ramadaan ee gobolka Togdheer oo ay Sideed kooxood ka qaybqaadanayeen  oo loogu magac daray Mujaahid Harag Waafi, " Anaga maamul'ahaan waxay noo tahay taariikh iyo mudnaan in aanu maanta halkan ku gudoonsiino labadii kooxood ee kaalinta kowaad iyo ta labaad ku guulaystay koobabkii loogu magic-daray Alle hawnaxariistii Muj. Haragwaafi ee bisha Ramadaan ka socday xaafada Maxamed Cali ee Burco ,sababtoo ah markii aanu maamulka la wareegnay aniga iyo badhasaabku waxaanu awooda saaray sidii loo xoojin lahaa is dhex-galka Bulshada ,kubadu waxyaabaha ay la dagaalantana waxa kow ka ah qabyaalada " Sidaasi ayuu Md Ubax yidhi waxaanu intaasi raaciyay. " Waxa aan idinku wargalinayaa bahdiina isboortiga gobolka Togdheer hadaad wasaarada tihiin iyo hadaan ciyaartoga tihiinba in aaney dib u dhicin fadeexadii dhcaday koobkii hore ee gobolada dalka ,oo ciyaartoga gobolkani ay kala kulmeen guuldaro dhinacyo badan leh.

Waxaana laydinka rabaa in aad soo xushaan inamadii gobolka u ciyaarilahaa ,taasi oo aanu idinla soo xulidoono dad gobolka guul usoo hooya waxaanu idiin balanqaadaynaa in aanu kaalin weyn ka ciyaaro sidii bahda isboortiga gobolka loo dhisi lahaa " Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Guddoomiye ku xikeenka gobolka Togdheer.

 Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay isuduwaha Wasaaradda ciyaaraha gobolka Togdheer Cabdiraxmaan Fagadhe waxaanu marka hore u mahad-naqay labada kooxood ee labadan koob ku guulaystay oo ku kala ciyaaraayay magacyada Warshadda biyaha ee Xareedda iyo magaca maamulaha dugsiga 15-may Mr Nuuradiin.

Waxaanu isuduwuhu balanqaaday wasaaradiisa heer gobol in ay ka go'antahay sidii ciyaartoga gobolku talaabo xaga ciyaaraha ah u qaadi-lahaayeen isla markaana awoodooda ciyaareed loo xoojin-lahaa.

 Waxa kale oo iyana halkaasi kahadlay masuuliyiin kale oo ka tirsan bahda ciyaaraha gobolka Togdheer iyo garsoorayaal kuwaasi oo ugu baaqay qurbajooga gobolkaasi in ay ka qaybqaataan horumarinta ciyaartoyga gobolkooda