Oday Qaybe Iyo Aqoontii Uu U Lahaa Raysalwasarihii Itoobiya

0
496

 

qyabeHargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii golihii hore ee wakiilada md. Axmed Maxamed Qaybe, ayaa dawladda Itoobiya iyo shacabkeeda ka tacsiyeeyay geerida Raysalwasaarihii hore Meles Zenawi.

 

Oday Qaybe, oo shalay soo saaray qoraal, kooban wuxuu kaga hadlay aqoontii uu u lahaa Meles Zenawi wakhtigii uu ka tirsanaa jabhadii talada ka tuurtay dawladii hore ee Itoobiya, “Waxaan tacsi u dirayaa dawladda Itoobiya, shacabkeeda iyo qoyska uu ka geeriyooday Meles Zenawi oo ahaa raysalwasaarihii Itoobiya.” Ayuu yidhi Qaybe, oo intaas raaciyay “Meles Zenawi waxaanu wada shaqayn jirnay wakhtigii ay isaga iyo Issias Afawerki (Madaxweynaha Ereteriya) jabhadda ahaayeen, waxaanan aniga iyo madax kale ku martiqaadi jirnay casho sharaf. Wakhtigaas waxaan Meles Zenawi u yeeshay aqoon dheer.”