Koob Bun Ah Oo Aad Cabto Maalin Kasta Waxa Uu Yaraynayo Khatarta Ah In Xanuunka Alzheimer’s Kugu Dhaco

0
705

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ogaaday in laba koob oo bun ah oo maalin kasta la cabbaa ay yaraynayso khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka dila unugyada maskaxda ee Alzheimer’s ka loo yaqaanno.

Cilmibaadhayaasha oo daraasaddan la kaashaday cisbitaalka Dongtan Sacred Heart oo hoos taga jaamacadda Halim ayaa shaaciyey natiijada daraasaddan oo ay tijaabadeeda ka qaadeen 4 boqol oo qof oo da’doodu u dhexeyso 55 sano jir illaa 90 jir waxa ay ku ogaadeen in dadka maalintii cabba ugu yaraan laba koob oo bun ah boqolkiiba 17.6 in lagu arkay heerka Barootiinka Beta-amyloid ee maskadooda oo jooga heer aanay suurtagelinayn in xanuunkan Alzheimer’s uu ku dhaco. Halka dadka bun intaa ka yar cabba maalintii la ogaaday in boqolkiiba 27 ka mid ah ay kor u kaceen maaddooyinka maskaxda ku keena xa uunkan.

Jim Ji-wook oo ka tirsan cisbitaalka jaamacadeed ee Hallim ayaa mar uu ka hadlayey natiijada daraasaddan waxa uu sheegay baadhista u dambaysay ee ay sameeyeen in ay ku ogaadeen in laba koob oo bun ah oo maalin kasta la cabbaa ay boqolkiiba 67 yaraynayso kaydka barootiinta Beta-amyloid ee maskaxda ku jira, oo ah barootiin badnaanshiyihiisu keenayo xanuunka.

Sida lagu sheegay warbixintan oo ay faafisay shabakadda wararka ee Aljazeera, waxaa hore u jiray cilmibaadhiso lagu ogaaday dadka bunka badna cabba in boqolkiiba 65 ay hoos u dhacdo cabsida laga qabo in uu ku dhaco xanuunka Alzheimer’s.