Suldaan Rashiid-bushaaro Oo Hargeysa Hadhimo-sharafeed Ugu Sameeyay Madax-dhaqameed Ka Socday Kililka Shanaad Ee Itoobiya

0
778

Hargeysa (Geeska) – Suldaan Rashiid Aw Maxamed Xaaji Jaamac (Bushaaro) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland ayaa Shalay Hadhimo-sharafeed Magaalada Hargeysa ugu sameeyay Xubno ka mid ah Madax-dhaqameedka Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo safar ku jooga Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Garaad Bashiir Garaad Axmed Garaad Makhtal.

Hadhimo-sharafeedda oo ujeeddadeedu ahayd sii xoojinta xidhiidhka Qotoda dheer ee ka dhexeeya labada Bulsho ee Somaliland iyo deegaanka Soomaalida ayaa waxa ka qayb-galay Madax-dhaqameed, Wasiirro, siyaasiyiin, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland Dr. Maxamed Warsame oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ka warramay ahmiyadda uu leeyahay Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu si gaar ah ugu hadlay Waddooyinka ka qayb-qaadanaya Horumarka ee laga wado labada dhinaca ee Somaliland iyo deegaanka Somaliland “Waxbaynu kala iibsanaynaa ee Waddooyinka idinkuna xaggiina ka soo dhisa, annaguna xaggayaga waanu ka soo tallaabinaynaa..” ayuu yidhi.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Inaynu Waddooyinkaa Hawd iyo Waqooyi la isku xidho oo isku socodku inoo fududaado ayaanu rajeynaynaa..”

Cabdillaah-jawaan oo isaguna Madashaa ka hadlay ayaa yidhi “Waanu idiinka Mahad-naqaynaa sidaad noo qiimayseen ee aad noogu timaaddeen, Dadku waa Dad Ehel ah oo is dhalay.”

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Tani waxay muujinaysaa xidhiidhka ina dhex yaalla ee Qotoda dheer, hadday tahay mid Ganacsi iyo mid Ehelnimo.”

Munaasibaddan Qado-sharafta ah oo ay sidoo kale hadallo ka soo jeediyeen Dad badan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim iyo xubno kale, ayaa waxa dhinaca kalena ka hadlay Suldaan Muxyaddiin oo ka mid ah Madax-dhaqameedka ka socday Kililka Shanaad ee Itoobiya, waxaanu ka Mahad-naqay Casuumadda loo sameeyay iyo soo dhaweynta “Waxa Sharaf noo ah in Beel-weynta Arab intii labeenta u ahayd wada joogto, Wasiirradii, Madax-dhaqameedkii, Aqoonyahankii, Ganacsatadii, inay na sharfaan annaga Sharaf bay noo tahay, laba jeer baa lana sharfay, mar waxa la noo sharfay mar annaga oo ah Ehelkoodii iyo Odayaashoodii, marna waxa la nagu casuumay Magaca Suldaankayagii Suldaanka noogu ahaa Itoobiya, annaga labadaasi Macno ayay noo samaynaysaa.” Ayuu yidhi.

Suldaan Rashiid Aw Maxamed Xaaji Jaamac (Bushaaro) oo ah Suldaanka Casuumaddan fidiyey oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Arrintan aad iyo aad baan ugu Faraxsanahay, Waayo? intan in leeg baad isla heli qalbigayga kumay jirinba, Raggani waa Raggii I Caleemo-saaray ee aanu isku deegaanka ahayn ee Kililka iyo intan oo Xaafaddiiya ayaad isku heli Qalbigayga kumay jirin, laakiin waa Nasiib-wanaag.”

Ugu dambayn, Garaad Bashiir Garaad Axmed Garaad Makhtal oo hoggaaminayey Madax-dhaqameedka Casuumadda loo sameeyay ayaa isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Ilaahay baa Mahad leh, marka labaad waxa Mahadda iska leh Suldaan Rashiid Aw Maxamed Xaaji Jaamac iyo Kooxda la soo abaabushay Xafladdan Qiimaha badan ee Sooryada ah fidiyey, Farxad weyn bay noo tahay, khaasatan aniga laba Farxadood bay ii tahay.”

Garaadku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu rejaynaynaa xidhiidhkaa wanaagsan ee horena u sii jiray inaynu sii xoojino, Waayo? xidhiidhka iyo is dhexgalku waa dhaqaale, intaa la xoojiyana waanu soo dhaweynaynaa, waanu soo dhaweynaynaa Waddooyinkan faraha badan ee la furayo ee dhinac walba laga furayo, khaasatan Gobollada bariga ka soo baxaya aad baan u soo dhaweynaynaa, hadday noqoto Balligubadle, Waddada Cad..” ayuu yidhi

 

Geeska.net/Hargeisa Office