Weli Ma Is Tidhi Dhaqasita Dharka Ayaa Khatar Ku Noqon Karta Arlada Aynu Ku Noolnahay

0
577

Cilmibaadhis cusub ayaa soo saartay natiijo naxdin leh oo sheegaysa in maydhista dharka adduunku ay sannad kasta dhulka gaadhsiiso wasakh ka kooban 175 ton oo saxarro iyo walxo yaryar oo warshadaysan ah oo dharka ka go’a marka la dhaqayo.

Walxahan iyo saxarradan aanay qaarkood isha keliyi qaban karin  ayaa dharka ka soo raaca dhammaan marxaladaha kala duwan ee ay dharku maraan marka la samaynayo, inta badanna waxa ay daataan ama marada ka go’aan marada qasaaladda lagu maydhayo, iyaga oo ku dhex milma wasakhda sidaasna ku raaca biyaha lagu maydho dharka ee la daadinayo.

Gina Gavigan oo ka tirsan jaamacadda California oo ku taalla magaalada Santa Barbara ayaa sheegtay in dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan midna aanay suurtagelayn in dhulka dib looga nadiifiyo walxahaas aadka u yaryar, sidaas awgeed ay waajib tahay in marka horeba xoogga la saaro sidii looga hortegi lahaa.

Maryaha harqaddoodu samayska tahay sida nayloonka iyo ‘Polyester ka’ ayaa ah kuwa ugu badan ee samayskooda ay raacaan walxahani, maadaama oo ay maryahani boqolkiiba 60 ka samaysan yihiin maaddooyin loo adeegsado samaynta dharka oo adduunka oo dhan laga isticmaalo. Halka boqolkiiba 15 maryahan ka mid ahi ay yihiin caag warshadaysan.

Hadhaaga caagga iyo walxaha uu ka samaysan yahay oo dhulka la falgala ayaa ah waxyaabaha ugu badan ee dunida maantu soo hadalqaaddo marka laga sheekaynayo wasakhowga hawada, waxaana ugu daran badaha oo inta badan caag badan lagu dhex tuuro.

Gina Gavigan oo ka warramaysay xaddiga caagga ah ee dhulka yaalla ayaa sheegaysa in daraasad la sameeyey sannadkii 2016 kii ay muujinaysay in 5.6 Milyan oo saxarradan iyo wasakhdan kale ahi ay dhulka gashay intii u dhexeysay sannadihii 1950 kii illaa 2016 kii, waxa se naxdin leh in xaddiga intaas le’eg kala badhkii uu dhulka ku dhacay tobankii sano ee u dambeeyey.

Natiijadan oo ay gaadheen cilmibaadhayaal ka socda dalka Maraykanka ayaa la filayaa in ay caawiso dadaallada xalka waxtarka leh loogu raadinayo sidii loo joojin lahaa saxarrada iyo walxaha kale ee wasakhda ah ee dhulka gaadhaya.