Komiishanka SOLNAC Oo Xusay Maalinta Caalamiga Ah Ee AIDS-ka

2
765

Picture1Hargeysa (Geeska) – Komiishanka la dagaalanka AYDHISKA Ee Somaliland ee Magaciisa loo soo gaabiyo SOLNAC, ayaa Axaddii doraad huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ku qabtay Munaasibad balaadhan oo lagu waynaynayey xuska Maalinta caalamiga ah ee Cudurka AYDHISKA.

Xafladda lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee HIV/AIDS, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Marwo Nimco Xuseen Qowdhan, Agaasimaha komiishanka la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee Somaliland (SOLNAC) Prof. Cabdi Cali, masuuliyiin ka socday hay’adaha UNICEF, WHO, UNFPA, Coopi  iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen dadka la nool cudurka HIV/AIDS.

Xafladda oo lagu soo bandhigay riwaayad ka hadlaysa sida ay muhiimka u tahay in dadka is guursanayaa ay iska baadhaan xanuunkaasi ka hor guurkooda, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha SOLNAC, Prof. Cabdi Cali, waxaanu sharay tirada dadka laga helay xanuunka iyo dedaalada ay komiishan ahaan ugu jiraan sidii loola degaalami lahaa inuu sii faafo cudurkani “Qiyaasaha la sameeyay, dalkeena wuxuu ka marayaa (Hiv/Adis-ku) 1.1%, dadka daawada qaata dalkeenu waa ilaa 1500 qof, 800 boqol in ku dhow waa dumar, ilaa 700 waa rag, daawadana waxa laga bixiyaa Cisbitaalada Hargeysa, Berbera, Borama iyo ka Burco”

Agaasimaha komiishanka la dagaalanka cudurka AYDHISKA ee SOLNAC, waxa kale oo uu sheegay in daawooyinka lagula Tacaalo cudurkan laga bixiyo deegaano badan oo dalka ah “Dalka guud ahaan waxa ka jira 22 goobood oo dadka lagula taliyo, laguna baadho” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in caqabada ugu weyn ee la dagaalanka Aydhiska ka haysata hay’adooda ay tagay cuqdada dadku ka qabaan xanuunkaasi “Caqabada ugu weyn ee na haysataa waa cuqdada laga qabo xanuunkan”

Prof. Cabdi Cali, waxa kaleoo uu sharaxay waxqabadyadooda mustaqbalka “Komiishanka qaranka waxa u qorshaysan inuu cudurkan kula dagaalamo Mustaqbalka wacyigalin, waxa kale oo noo qorshaysan inuu xuduudaha culayska saarno oo ah meesha kale ee khatarta badanina inagaga socoto”ayuu yidhi.

Munaasibaddan oo ay hadal ka jeedisay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo ammaantay dedaalada komiishanka SOLNAC kula dagaalamayo faafitaanka cudurka HIV/AIDS-ka, isla-markaana ay ka hadleen Masuuliyiin ka socday hay’adaha hay’adaha UNICEF, WHO, ayaa waxa soo gunaanaday Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md Cabdraxmaan Cabdilaahi Ismaacil (Saylici), waxaanu sheegay inay wax lagu farxo tahay in faafitaanka cudurkani hoos u dhacday 29% “Waxa Xaqiiq ah in AYDHISKU yahay masiibo caalamku dareemay, wadamada soo korayana ay dhibaatadiisu ku faro badan tahay, innagu waxaynu ka soo gudubnay marxalad faafidda Aydhisku kordhaysay, waxaynu gaadhnay marxalad aynu isleenahay waad ku joojin kartaan faafitaanka cudurka HIV/AIDS-ka”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa wax lagu farxo ah inuu adduunka hoos uga dhacay faafiddii  HIV/AIDS-ka, oo laga soo bilaabo 2001-dii uu 29% hoos uga dhacay, waxaana hoos u dhacday dhimashada dadkii Aydhiska qabay, waxaana xusid mudan in 2005-tiina ay hoos u dhaceen carruurta qaba HIV/AIDS-ka 52%, waxa halkaa ka cad sida caalamku dedaalka uga galay sidii looga hor-tagi lahaa cudurkaa dilaaga ah ama looga badbaadin lahaa”

 

Comments are closed.