Halkee Lagu Aasayaa Hubka Kiimikada Ah Ee Suuriya?

1
679

Picture2Hay’ada Caalamka u qaabilsan ka hortagida hubka Kimikalka ee OPCW ayaa ku dhawaaqday in hubka Kimikalka ee Dowlada Siiriya ku wareejisay lagu burburin doono dusha markab ay leeyihiin ciidamada Maraykanka.

Madaxa hay’ada OPCW Mudane Axmed Uzumku, ayaa ku dhawaaqay in 31 bisha soo socota ee December dhamaan hubka Kimikalka ee Siiriya laga saari doono wadankaasi iyadoo lagu wareejinayo Markab ay leeyihiin ciidamada Maraykanka kaasi oo la sheegay inuu bada (Medatareeniyanka) ku burburin doono hubkaasi Kimikalka.

Sidoo kale 800 oo tan oo ah Kimikalka warshadaha oo dalkaasi Siiriya uu lahaa ayaa laga codsaday inay ay ka qeyb qaataan burburinteeda shirkadaha caalamiga ah ee sida gaarka ah loo leeyahay, waxaana illaa iyo hada is diiwaangeliyey 35 shirkadood oo diyaar u ah hawshan.

Axmed Uzumku ayaa ka codsaday dhamaan wadamada caalamka ee hay’ada OPCW xubnaha ka ah oo gaadhaya 190 wadan inay ka qeyb qaataan bixinta dhaqaalaha ku baxaya burburinta hubka Kimikalka Siiriya oo la qorsheeyey in gebi ahaan la dhameystiro badhtamaha sanadka soo socda ee 2014.

 

Comments are closed.