Kombiyuutarka Oo Si Joogto Ah Loo Nadiifiyaa Waxa Ay Dheeraysaa Cimrigiisa

0
851

Picture7Hargeysa (Geeska)- Uskagga iyo dhasku waxa ay halis ku yihiin habsami u shaqaynta kombiyuutarka waxa aanay gaabiyaan cimriga loogu talo galay in uu shaqeeyo. Tusaale ahaan dhashku waxa uu caddili karaa shaqada marawaxadda kombiyuutarka ee loogu talo galay in ay qaboojiso, taas oo ay ka dhalan karto in xaraadda kombiyuutarku kor u kacda, halisna ay ku keento kombiyuutarka. Sidoo kale boodhka mafaatiixda (Key board-ka), Muraayadda iyo marawaxaduhuba waxa ay si gaar ah u soo qabsadaan dhaska.

Dyer Belen oo ka tirsan shirkadda EDV-clean system oo ka shaqaysa nadiifinta aaladda Kombiyuutarka ayaa sheegay in isticmaalka badan ee kombiyuutarku ay keento wasakhaw deg-deg oo kaga yimaadda hadhaaga cuntada qofka isticmaalayaa uu cunayo xilliga uu ku shaqaynayo, uskaga faraha, boodhka iyo dhaska hawada la socda, timaha laga yaabo in si aan la dareemayn ay uga go'aan madaxa iyo xamuuradda ama midabbeeyeyaasha dibnaha iyo cidddiyaha la mariyo” Marcos Shotez oo ka tirsan shirkadda kombiyuutarrada samaysay ee Del ayaa isna mar uu arrintan ka hadlay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, "Waa waajib in si joogto ah loo nadiifiyo kombiyuutarka, oo ugu yaraan sannadkiiba hal mar inta la kala furo gudaha laga nadiifiyo, sidoo kale muraayadda, Mawska, iyo key-board-ka waa in ugu yaraan bishii hal mar si fiican loo nadiifiyo…" Mr. Marcos isaga oo sii sharraxaya waxa uu sheegay in nadiifinta kombiyuutarka waqtigeeda loo eego hadba sida ay tahay nadaafadda goobta lagu isticmaalayo. Haddii aad aragto in muraayadda kombiyuutarkaagu ku dhawdahay nadiif waxa kula gudboon in aad ku masaxdo gobol yar oo maro cudbi ama dun qallalan ah.

Dhinaca kalalana, khubarada kombiyuutarku waxa ay ku taliyeen in aan nadiifinta kombiyuutarka loo isticmaalin dareerayasha guryaha ama qalabka guryaha lagu nadiifiyo, marka laga reebo marar dhif ah oo ay jirto sabab kallifaysaa. Laakiin dhib kuma ay sheegin in uu qofku nadiifinta kombiyuutarkiisa, gaar ahaan muraayadda u isticmaalo biyo cad. Khabiirkan ka tirsan shirkadda Del waxa u sheegay in ay haboon tahay in nadiifinta loo isticmaalo mishiinka laydhka la geliyo ee buufinta, isaga oo isla markaana ka digay in mishiinkan oo si xun loogu buufiyaa ay keeni karto in boodhku uu ku sii faafo ama uu gaadho meel ay adag tahay in laga soo saaro oo gudaha kombiyuutarka ah. Ugu dambayntii waxa ay khubaradu ka digeen in qofku uu isku dayo in isaga oo aan takhasus ama farsamo yaqaan ahayn uu kala furo kombiyuutarka gacanta ee Labtop-ka oo ay sheegeen in khasaare badan ay keeni karto.