Sarkaal Booliis Ah Oo Xabbad Isku Dhuftay Si Billad Geesi Iyo Lacag Uu Wasiirka Arrimaha Guduhu U Siiyo

0
810

Picture8Qaahira (Geeska)- Hay’adaha amniga ee magaalada Qaahira ayaa shaaca ka qaaday war la yaab ku noqday qof kasta oo maqlay oo sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada nabad-gelyada waddooyinka ee magaalada Qaahira uu naftiisa dili gaadhay kadib markii uu isku dayey in uu isu dhaawaco xabbad si wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Masar uu ugu daro liiska saraakiisha amniga ee abaal marinta lacageed iyo billad geesida lagu siiyo gudashada waajibaadkooda shaqo.

Warkan oo uu geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Jazeera waxa uu sheegay in axaddii toddobaadkii hore uu sarkaalkani dhaawacmay kadibna loola cararay cisbitaalka si loo badbaadiyo naftiisa, markii saraakiisha baadhitaanka ee waaxda amnigu ay ka waraysteen sida ay wax u dhaceenna uu sheegay in isaga oo sita labbiska ciidamada oo u sii socda shaqadiisa ay ku soo baxeen koox dhalinyaro ah oo wadatay mooto (Dhug-dhuley) kadibna ay rasaas ku fureen, taas oo sababtay in saddex xabbo oo rasaas ahi ay ku dhacaan.

In kasta oo warkan bilowgii la rumaystay, haddana si ay baadhayaashu xogtooda u dhamaystiraan waxa ay dib u soo saareen cajaladaha maqal iyo muuqaalka ah ee ay duubeen kamaradaha ammaanka ee goobta sarkaalkani ku dhaawacmay ku rakibnaa, la iskuna dayo in laga garto wejiyada dadka dembigan galay, waxase kaga soo baxay wax aanay cidiba u fadhiyin. Waxaa la ogaaday in waqtiga uu sarkaalkani dhaawacmay iyo waqti u dhow midna aanay shaaracaas marin haba yaraato ee cid mooto wadataa, haddii la sii waday baadhitaankii kamaraha kala duwanna waxaa soo baxay in sarkaalkani uu isaga oo isticmaalaya baastooladdiisa gaarka ah xabbadahan dhaawacay uu iskaga dhuftay labada cagood iyo bawdyada mid ka mid ah labadiisa lugood.

Ugu dambayntiina waxa uu sarkaalkani qirtay in uu dhaawacan isagu isu geystay isaga oo doonaya in uu helo abaal marin lagu siiyo shaqo gudashada fiican, iyo in uu caan noqdo oo ay talefishannada iyo warbaahinta kala duwani ka waraystaan waxa ku dhacay iyo sida ay xaaladdani u dhacda. Askarigan dacwaddiisa hadda waxaa gacanta ku haya waaxda anshax marinta iyo xaalad abuurka ee wasaaradda arrimaha gudaha Masar. Tan iyo intii ka dambaysay markii ciidamada Masar ay xukunka xoog kaga tureen madaxweynihii abid ugu horreeyey ee doorashooyin xor ah ku yimaadda talada dalka Masar, waxaa dalkaas ka jira rabshado joogto ah iyo xasarado siyaasi ah oo la degey dhaqaalihii dalka, dhalinyaro hubaysan oo aan la garanayn iyo ururro sheegta jihaadiyiin ayaana si joogto ah u weerara ciidama iyo saraakiisha amniga ee dalkaas, taas oo kalliftay in wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar si ay u kordhiso niyad-wanaagga iyo firfircoonida booliiska in ay saraakiisha dhibaatadu soo gaadho ay siiso abaal marinno lacageed iyo billad sharafeedyo kala duwan.