Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Jawaabay Eeddo Uu Xisbiga UCID U Jeediyay, Kana Hadlay Inaanu Ciddii Shacabka Dhahar La Tukan Ee Uu Gurigiisa Galay

0
659

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cali Jaamac Faarax Buureed, oo ku sugan magaalada Dhahar ee gobalka Sanaag, ayaa ka jawaabay eedo uu xisbiga UCID u jeediyay oo ah in wasaaradiisu heshiis la gashay shrikado xaalufinaya badda Somaliland.

Wasiirka, oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xisbiga UCID ka dalbaday inay keenaan cadaymo buuxa. Sidoo kale wasiirku wuxuu ka jawaabay warar ay warbaahinta qaarkeed baahisay oo sheegaya inuu awoodi waayay inuu bananka uga soo baxo gurigiisa Dhahar maalintii Ciiddii oo ay magaalada la joogeen wefti uu hoggaaminyo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Ugu horayn wasiirka oo ka jawaabaya eedaynta xisbiga UCID, wuxuu yidhi “Marka hore UCID maaha Dawladdii Qaranka, Wasaaraddii Baddana, Dawladdii Qaranka  iyo Wasaaraddii Badda anaga ayaa ah,Xogahayaha Kheyraadka Badda ee dhawaan Faysal Cali Waraabe magacaabay, maaha  Nin Badda waxa ka yaqaana isaga ayaa caddeyn doona halka uu warkan ka keenay, haddii uu caddeyn waayana noqon mayso daacayd Subax walba la sheego, horna waatii beenta loo sheegay oo ee la yidhi   Sun ayaa lagu daadiyey Badda, oo Kalluunkii bakhtiyey, soona caariday, lagama fikirin beenta la sheegayo inay wax u dhimayaan Wadanka Sumcadiisa, Ganacsigiisa iyo dadka ku nool inay wax u dhimayso, oo dadka ganacsigu inaga dhexeeyo ee Kalluunkeena iibsada inay inaga boodayaan, runtiina haddii Maalin walba been sheego Sumcadeena ayey wax u dhimaysa, laakiin waxa ay ila tahay in la xisaabtami doono, oo been la iskaga sheegi maayo”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Qofka doonaya inuu wax iska qoro wuu iska qoraa, laakiin wax ka jiraa ma jirto, waana dayaacad, tan iyo markii aan anigu Wasaaraddan uu imid uu qoraayey, ha ula jeedo si shakhsiyana ah ama si kale oo ku xumayn ah, isaga oo mar yidhaahda Sun ayaa Badda lagu  shubay, mar waxa uu yidhaahda Markiib ayaa Baddii xaalufinaysa, anaguna waxa aanu lanahay wax Baddeena ka kalluumaysta,ha noqdeen Shirkado maalgashada ama Shirkado Waddaniya,marka isagu Shirkadahan uu leeyahay Badda ayey xaalunifinayaan ee heshiiska qarsoodiga ah ayaa lala galay ha soo sheego halka lagu hayo anagu ma haynabee”.

Wasiirka kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed) oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Hal Dooni, Hal Markab iyo Hal Laash oo Maanta Badda ku jiraa ma jiraan, waxa lagu jiraa wakhtigii xagaaga, markaas cida tidhaahda Markab ama Doon ayaa Badda ka kaluumaysanaya been ayey sheegeen”.

Wasiirka Kalluumaysiga mar uu ka jawaabayey Su’aal ahayd in Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland uu Dadweynaha Dhahar uu kala qeyb galay Salaadii Iida, isna uu ku tukuday Gurigiisa, taas oo muujinaysa inuu masuulka Puntland kaga awood batay magaalada, wuxuu  ku jawaabay “Ugu horeyn Telefishinka Somali Channel ayaa nala joogay isaga ayaana duubayey, isagaana naga duubay, oo waxa xaqiiqo ah in aanu Barxadii ku iidnay, oo Shacabka reer Dhaharna anaga ayaa  la iidnay,qolada Punland-na Duhurkii iyo mar dambe ayey yimaadeen iyaga oo Qardho, Garoowe iyo meel kale oo Puntland ah ku soo iiday,  anaguna intaas oo dhan Shirarka, hawsha Odayaasha iyo Geedka lagu shiraayo ayaanu hawshooda ku jirnay, hawsha aanu ku jirnayna may ahayn qarsoodi, waxa fiicnaan lahayd cida wax qoreysa inay halkan cidi u joogto, anigu dadka ayaan la iiday, Toban Cisho oo iida ka horeeysay ayaan joogay, oo Magaalada ayaan ku sugnaa, oo Shirirka iyo hawlaha ka socda ayaanu wax kaga jirnay, muddo badana waan sii joognaynaa, wakhtiga Iida,  dadka ayaanu la iidnay, waanu la hadalnay, waanu la shirnay, waana la shiri doonaa, Shirarkuna wey noo socdaan, meel fiicana wey noo maraysa hawshu, dayaacayd iyo war been ah oo wargeys lagu qoraana, xaqiiqda iyo waaqiciga Dhahar yaala waxba kama oga”.

Wasiirka Kalluumaysiga oo ka jawaabay su’aal ahayd inay kulmeen isaga iyo Guddoomiyaha Barlaamanka Puntland ayaa yidhi “Guddoomiyaha Barlaamanku waa Nin u dhashay Deeganka Dhahar, anaguna Deegaanka ayaanu u dhalanay, maanu kulmin runtii wax marti qaad ahna maanu u sameeyn, sida la wada og yahayna Ciidan Beeleed yar ayaa iska jooga, oo Ciidan awood leh oo Xuduudaha ilaalin karaa oo cidii soo gasha ka celin kara ma joogaan,  ama Ciidan si buuxda Dhahar gacanta ugu hayaa ma joogaan, inkasta oo waagii Faroole yidhi Doorasho ayaan qabanayaa oo uu yidhi Sanaaduuq ayaan la keenay Dhahar, in wagaas aanu keenay Ciidan xooga, oo aanu nidhi  wax la keeni karaa ma jiraan, laakiin hadda Ciidan yar oo Ciidan Beeleed ah oo qalab aan badnayn haysta ayaa jooga, waxa kale oo jira in Ciidanka reer Somaliland ee Dhahar ku sugan iyo Ciidanka Punland ay wataan oo ah Ciidan reer Dhahar ah, ayaa waxa ay taasina keentay in Ciidankii guud ahaan wada noqdeen Ciidan isku wada Beel ah, oo Askariga anaga nala jooga iyo Askariga Punland la jooga ayaa isku Beel ah, xaqiiq ahaan se dadka iyo  shacabka reer Dhahar oo dhami waa wada Somaliland, Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland iyo Wasiiradda uu wataba, markii uu soo galaayey Dhahar waa lagu mudahaaraday, oo mudaharaad ayaa lagu kiciyey, Taayiro ayaa lagu gubay, Rabashado ayaa ka kacay meeshii, oo dadkii reer Somaliland ee deegaanka ayaa ku mudaharaaday, balse ugu dambeyntii Odayaal ayaa arintii ka hortagay, marka la leeyahay Guddoomiyihii Barlamaanka Puntland ayaa  tukaday oo Wasiirkii Somaliland muu tukun, qaranimadii ayuu meel kaga dhacay, sababtoo ah Astaantii Qaranka ayaan huwanay, marka aanu joogno meelaha Xuduuda ah ee hadalku ka taagan yahay, Mucaarad iyo Muxaafidna waxa la doonaya in mid waliba halkiisa ka ilaaliyo Astaanta Qaranka, marka in been la sheego oo la yidhaahdo Wasiirkii Somaliland Guri ayuu ku jira oo uu ku tukunaaya, kii Puntland dad ayuu la tukunaaya, oo sharica ayuu joogay, waa ceeb, oo Waddaniyad xumo ah, marka haddii aad aniga I neceb tahay, shakhsi ayaan ahay, laakiin markan kale waa inaad ogaataan inaan Xil Qaran huwan ahay, Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland intii uu joogay Dhahar maanu kulmin, mana kulmi doono, oo Magaalada koonaheeda  ayuu joogay, Banaana umuu soo bixin, balse anigu; aniga oo Go’ayga iyo Ushayda iska sita ayaan barxada hore ee Geedaha lagu shiro jooga , oo aan la kulmaa Odayaashayda, isagana cid sheegtay lama sheegin, oo Beri (Maanta) ayuu tagayaa”