Kiriimada Iyo Walxaha Kale Ee La Isku Qurxiyaa Waxa Ay Khatar Ku Yihiin Hormoonnada Aadamaha

0
644

Berlin (Geeska)- Kooxda xeeldheerayaasha ah ee la baxay daryeelayaasha deegaanka ee dalka Jarmalka ayaa ka digay khatar ay sheegeen in saddex meelood meel ah kiriimada la isku qurixiyo iyo guud ahaanba walxaha la isku qurxiyaa ay khatar ku yihiin caafimaadka qofka. Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Jarmalka ayaa daahfurtay in maaddooyinka daryeelka jidhka loo isticmaalo, sida saabbuunta dareeraha ah, macjuunka ilkaha, sheefta gadhka lagu xiiro iyo kiriimada iyo saabbuunta xiirista, xamuuradda iyo waxyaabaha la mid ahi ay khatar caafimaad ku keenaan hab-dhiska hormoonnada ee jidhka aadamaha.

Sida lagu sheegay cilmibaadhis uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay oo diyaariyeen cilmibaadhayaasha la baxay Bond ee dalka jarmalka oo ka shaqeeya daryeelka deegaanka iyo dabeecadda, curiyeyaasha iyo maaddooyinka ku jira kiriimada la isku qurxiyaa waxa ay si gaar ah khatar ugu leeyihiin dumarka uurka leh iyo carruurta. Sarah Hoyzer oo ah xeeldheere ka tirsan ururkan ayaa sheegtay in qaar ka mid ah curiyeyaasha laga sameeyo kiriimada, saabuunaha iyo walxaha kale ee la isku qurxiyaa ay keenaan in heerka bacariminta ee qofku hoos u dhaco, taasina keento dhalmada oo yaraata ama khatar u gasha joogsi, sidoo kale waxa ay soo dedejiyaan qaangaadhka, waxa aanay keeni karaan noocyo ka mid ah kansarka.

Waxaa iyaguna jira maaddooyin kiimikaad oo kale oo ka mid ah kuwa laga sameeyo dawooyinka timaha lagu midabbeeyo iyo kiriimada daryeelka maqaarka, oo khatar taas hore la mid ah ku keena hormoonnada dumarka. Sarah Hoyzer oo arrintaas a hadlaysaana waxa ay sheegtay in xaaladaha caafimaad darro ee dadka dawooyinkaas iyo kiriimadaas isticmaala lagu arkay ay ka mid tahay, hoos u dhac ku yimid tayada manida bacariminta ee dhalinyarada, khalkhal ku yimaadda abuurka xubnaha taranka ee wiilasha yaryari xilliga ay naas-nuugga yihiin iyo kansarka noocyo ay ka mid yihiin kansarka ku dhaca naasaha iyo ka ku dhaca qanjidhka  xiniinyaha.

Arrinta warwarka iyo cabsida lihina waa in shirkadaha ugu waaweyne ee caanka ku ah samaynta waxyaabaha la isku qurxiyaa ay yihiin kuwa ugu isticmaalka badan maaddooyinka dhibaatada ku keena hormoonnada, kaba sii daran ee maaddooyinkaas khatarta ah ayaaba marar badan kala badh ka ah wax-soo-saarkooda sida uu caddeeyey Yorick Vingels oo daraasaddan korjooge ka ahaa.