Xisbiyada Mucaaradka Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Saddex Masuul Iyo Maxkamadda Sare Oo Maanta Go’aan Ka Soo Saaraysa

0
603

Picture4Hargeysa(Geeska) :-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Ucid iyo Waddani oo ay wehelinayaan siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada-tashiga, ayaa warqad dacwad ah oo ay kaga cabanayaan go’aankii ay xukuumaddu kaga hor istaagtay in ay hoteelada ku qabsan karaan shir ay maalin ka hor ku dhawaaqeen oo ay sheegeen in ay kaga tashanayaan aayaha Somaliland ay u gudbiyeen guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland, waxaana ay sida oo kale sheegeen in ay xaq distoori ah u leeyihiin in si caadi ah ay shirar u qabsadaan iyaga oo carabkana ku dhuftay ay wakhtigii loogu tallo galay qabanayaan shirka talo-qaran ee ay ku dhawaaqeen, waxaana ay sida oo kale ka dhawaajiyeen shirka talo-qaran ee ay ku dhawaaqeen in ay qeyb ka yihiin culimada, aqoonyahanka, waxgaradka, haweenka iyo dhammaanba bulshada qeybaheeda kala duwan.

Warqadda dacwada ah oo ay ku saxeexanyihiin xisbiyada Waddani iyo UCID waxay u dhignayd sidan

Nuxurka Warqadda dacwada ay gudbiyeen oo nuqul ka mid ah wargeyska Geeska Afrika helay, ayaa waxaa ay u dhignayd sida tan: “LabadaXisbiqaaranee UCID iyoWaddni waxay Maxkamadda Sare ee sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaan cabasho aannu kaqabno amarro kasoo baxay Wasiir-ku-xigeenka Amniga, taliyaha Ciidanka Booliiska, iyo badhasaabkan Gobolka Maroodi-jeex saddexdaba, kuwaa soo ka baahiyeen qalabka warbaahinta.

 Nuxurka ammarradaas kala geddisan waxay ku soo ururayaan:

Inaan Xisbiyada qaranku isugu iman Karin shir ay ku ballameen in ay kaga wada hadlaan arrimaha ku saabsan doorashooyinka oo mudda doodii muranka taaganyahay.

In ay amar ku soo rogeen hudheelada magaalada in aan Xisbiyadu shirar ku qabsan Karin.

Waxannu qabnaa in amarradaasi ay liddi ku yihiin sharciyadda xisbiyada qaranka, xuquuqda asaasiga ah ee muwaaddinka, iyo distoorka dalka intaba.

Sidaa darteed, waxannu Maxkamadda Sare ee Sharafta leh ka codsanaynaa inay hakiso ammaarradaas lidka ku ah xeerka xisbiyada, xuquuqda distooriga ah ee muwaddinka iyo xorriyaadkii ganacsiga intaba.”

Maxkamadda Sare

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in maxkamada sare shalayba xidhiidho la samaysay dhinaca ay xisbiyada mucaaradku ka cawdeen ee wasaaradda daakhiliga iyo taliska Booliska. Waxaanu warku sheegay in maxkamadda sare kulan la yeelatay wasiir-xigeenka amniga iyo taliyaha Booliska oo ay wax ka weydiisay cabashada ay xisbiyadu u gudbiyeen maxkamadda sare. Warku wuxuu sheegay in maxkamadda sare maanta qaraar rasmi ah ka soo saari doonto cabashada ay xisbiyada mucaaradku u gudbiyeen taas oo noqonaysa markii u horaysay ee ay maxkamadda sare jawaab rasmi ah oo deg deg ah ka bixiso dalab ay xisbiyo mucaarad u gudbiyeen.