Caaro Ayaa Dhegtiisa Ku Noolayd Muddo Dheer Kana Dhex Samaysatay Xuub Hoy Ay Ka Dhigato

0
626

Picture9Madiinah (Geeska)- Nin xoolo dhaqato ah oo ku noolaa magaalada barakaysan ee Madiinah ee dalka Sucuudiga ayaa la sheegay in ay muddo dheer dhegtiisa ku noolayd caaro ka dhex samaysatay xuub ay guri ka dhigato, wargeyska Al-Madiina ee ka soo baxda dalka Sucuudiga oo uu Geeska Afrika soo xigtay ayaa sheegay in ninkani aanu marnaba dareemin in dhegtiisa uu ku nool yahay makhluuq ay noloshiisi si habsami ah u socoto.

Shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee mid ka mid ah cisbitaallada deegaanka Al-sharqiya ee dalka Sucuudiga ayaa ka argagaxay una qaadan waayey markii dhakhtarkii la socday kooxda baabuurka Gurmadku uu u sheegay in dhegta ninkan bukaanka loogu keenay ay ku dhex nooshay caaro weliba ka dhex samaysatay xuub. Ninkan ayaa markii uu cisbitaalkani ka soo saaray caaradan u sheegay warbaahinta in uu yahay adhi-jire xoolo uu mushqaayad ka qaato ku raaca saxaraha. Sida uu ninkani sheegay inta badan kulaylka iyo qabawga oo saa'id ah ayaa ku kallifa in uu gabbood ka dhigto seexashada cawska dhexdiisa. Waxa uu ninkani caddeeyey in uu run ahaan mar hadda laga joogo saddex bilood uu dareemay xanuun dhegta ah, laakiin aanu daawo isticmaalin ee uu dhegta ku shubi jiray saliidda cuntada oo uu u arkayey in uu ku caafimaadi doono, taas oo markii ay xaaladdiisu ka sii dartay aakhirkii keentay in loola soo cararo cisbitaalkan helay cilladda jirtay.