Kiniin Hortag U Ah Cudurka Duumada: Waxa Uu Sun Ka Dhigayaa Dhiigga Qofka Si Kaneecadu Ay Ugu Dhimato

0
1143

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa lagu helay kiniin muran dhaliyey oo ka hortag u noqonaya cudurka duumada. Kiniinkan ayaa awood u leh in uu sun ka dhigo dhiigga aadamaha, si ay kaneecada qaniintaa ugu dhimato.

Saynisyahannadu waxa ay ogaadeen in kaneecada nooceeda cudurka gudbiyaa, ay ku dhimanayso dhiigga qofka cuna dawada lagu magacaabo Ivermectin oo loo isticmaalo daweynta dulinka. Dawadan oo sida oo kale oo isticmaalo cudurka ‘Cadhada’ ayaa ay khubaradu ogaadeen in raadkeedu uu dhiigga ku jirayo muddo bil ah oo ka dambaysa marka la qaato, waxa aanay saynisyahannadu rajaynayaan in ay noqoto dawo loo adeegsado la dagaallanka cudurka duumada. Suurtagalna ay tahay in loo isticmaali karo cudurrada kale ee kaneecadu gudbiso.

Tijaabadii dawadan lagu sameeyey ayaa laga arkay in kaneecadii cuntay ay boqolkiiba 97 dhimatay ugu badnaan laba toddobaad kaddib markii ay dhiiggan jaqday

Daraasaddan oo ay iska kaashadeen saynisyahanno ka tirsan Maxadka cilmibaadhista caafimaadka ee dalka Kenya iyo xarumaha Maraykanka ee la dagaallanka cudurrada iyo ka hortaggooda, ayaa natiijada ay gaadheen ku faafiyey majaladda ‘Lancet’ ee ka faalloota cudurrada faafa. Waxa aanay sheegeen in natiijdan ay gaadheen oo weli hordhac ay u gudbiyeen kulan dib u eegis ah oo ay ka yeelatay hay’adda caafimaadka adduunku.

Dhinaca kalana waxaa la ogaaday in dawadani aanay wax raad taban ah ku yeelan dadkii cla siiyey, marka laga reebo dad boqolkiiba 4 ah oo cabasho aan weynayn lagu arkay.

Sida uu ku warramay wargeyska Daily Mail oo faafiyey natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay, duumada ayaa sannad kasta dunida ku disha dad tiradoodu ka badan tahay 750 kun oo qof oo badankoodu carruur yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here