Ardayda Somaliland Ee Kampala Oo Doortay Hoggaan Cusub

42
4294

Kampala(Geeska)-Ardayda reer somaliland ee wax ka barata jamacadaha kala duwan ee dalka uganda ee ku midoobay dalada uganda somaliland student association ayaa  waxay qabsaden xaflad baladhan oo isugu jirtay , arday ka qalin jabiyay jamacadaha kala duwan ee dalka uganda kuwas oo isugu jiray basholer degree iyo master degree iyo  xil warejin  lagu calemo sarayay  gudomiye mahamed omer ibrahin iyo xubinaha la shaqaynaya mudada u xilka hayo

xafladu waxa ay ka dhacday  magaalada Kampala. Goobtaas waxa ku sugnaa gudoomiyihi hore caydaruus mahamed ibrahin  iyo xubihii la shaqaynayay mudadi uu xilka hayay , safirka u fadhiya somaliland dalka uganda Xamse Xaaji Dool, xildhibano ,ganacsato iyo aqonyahano iyo culumo  ka soo jeeda dalka somaliland isla goobtana waxay  ka jeediyen  khudbado dhaxal gal ah oo isugu jira, dardaan iyo duco.

Gunaanadkii xaflada ayuu gudomiye maxamed omer ibrahin ka jeediyay hadal dhaxal gal ah waxanu ku bilabay sida tan  Muhiim maaha in ay dadku ku qancaan waxa aad sheegaysid oo kaliya, dheh waxa aad filaysid in ay sax yihiin. Ha noqon qof afka kaliya wax ka sheega kana go’aamiya, laakiin ha wada socdaan go’aankaaga iyo waxqabadkaagu ”

Wuxuu intaas raaciyay  “waxan hambalyo  bogaadin. Iyo mahadnaqba u dirayaa dhaman ardayda reer soomalilnd ee wadanka ugandha. Ee nagu maamusay nagu garab istaagay inanu hogaan U noqono. kalsooni buuxdana noo muujiyey waana uga mahad celinaynaa mar kobaad iyo mar labaadba sido kale waxan u hambalyaynayaa farxadana la qaybsanayaa ardaydii qalin jabisay soona af meertay qaybo kamida heerarka waxbarashadu ka midtahy sido waxa xusid mudan wax lagu faano ah xubnaha ururka iyo gudigii qaban qaabada xafladeeni sida sharafta milgaha iyo maamuska lahyd inoogu soo qaban qaabiyey waxayna muujinaysaa hormarka aynu gaadhnay iyo sida ay inooga go’antahy inaynu wax qabsano.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here