Geeddiga Xirfaddiisa Oo uu Ku Bilaabay Mushahar 1 Doolar Ah Bishii Ayaa Maraya 24 Milyan Oo Doolar Bishii

0
1109

Qaahira (Geeska)- Waa Maxamed Salaax oo ah reer tuule, u dhashay dalka Masar. Ciyaar kasta oo uu ciyaaro kubadda cagta waxa uu ka korodhsadaa sumcad iyo shacbiyad caalamiya. Kuwa naqdiya iyo kuwa taageeraana waxa ay ka siman yihiin in ay barbardhigaa xiddigaha ugu caansan kubadda cagta adduunka, sida Arjentiiniga Lionel Messi iyo Boortuqiiska Cristiano Ronaldo. Laakiin dadka badankoodu waa uun ay barteen Salaax oo caalamiya, waxa aanay ka war la’ yihiin in geeddiga uu halkan ku soo gaadhay aanu ahayn mid dhayal ahaa.

Nolol faqiirnimo halka ugu hoosaysa ah ayaa uu ka soo dhex baxay, caqabado iyo taakooyin aad u tiro badanna waa uu uga soo gudbay sidii uu u gaadhi lahaa bartilmaameedkiisa.

Maxamed Salaax oo ka dhashay qoys ka kooban shan ruux, waa aabihii oo ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka Masar, hooyadii oo guri joog ah, laba wiil oo uu isagu ku jiro iyo inan keliya oo ladhalatay, yaraan ayaa laga arkay xiisaha gaarka ah ee uu u qabo hiwaayadda kubadda cagta, markii u horreysayna isaga oo 12 jir ah ayaa uu ka mid noqday kooxda Muqaawiliina-Alcarab.

Marka laga tago ciyaar wanaagga waxaa Salaax lagu ammaana anshax wanaag, akhlaaq iyo macaamil qurxoonaan, ixtiraam badnaan iyo hannaanka uu u hadlo oo ah mid deggenaanshiyo iyo garaad badnaan astaan u ah. Waa shakhsi afgaaban oo dadka yaqaannaana waxa ay ku tilmaamaan shakhsi yaqaanna marka ay tahay in uu hadlo iyo sida ay tahay in uu u hadlo. Waxa uu caan ku yahay in fasaxyadiisa uu ku qaato tuulaha uu ku dhashay, oo uu si caadi ah bulshada ugu dhex jiro, noloshana ula qaybsado. Waxa uu caan ku hayey xidhiidh wanaagga iyo in aanu jarin saaxiibbadiisii hore iyo qof kasta oo uu u tiriyo in uu kaalin uun ku lahaa heerka uu ka gaadhay xirfadda kubadda cagta. Mushaharkii ugu horreeyey ee uu Salaax qaataa waxa uu ahaa 20 Gini oo lacagta dalka Masar ah bishii, taas oo u dhiganta hal doolar iyo saddex iyo toban senti. Waxa uu ahaa mushahar yar, laakiin Salaax iyo xitaa aabihii aad ayaa ay ugu farxeen in uu xirfaddiisa ku helo mushahar. Dabeecadaha lagu bartay muddadii uu naadiyada kala duwan ee Masar ka ciyaarayey waxaa ka mid ah, in aanay lacagtu ahayn waxa ugu weyn ee uu u socdo, sidaa awgeed laguma arki jirin isaga oo gorgortamaya ama qawadsan lacagta la siiyo.

Ciyaartii ugu horreysay ee muhiim ah ee uu Maxamed Salaax ciyaaraa waxa ay ahayd tii uu ka ciyaaray wareegga dalka Masar, waxa ay ahayd sannadkii 2010 ka oo ciyaartii ugu horreysay ee uu ka qaybgalaa ay dhacday 3dii bishii saddexaad. Goolkii ugu horreeyey ee uu dhaliyeyna waxa uu ahaa kii uu 25kii bishii Laba iyo tobnaad 2010 ku hubsaday shabagga naadiga Al-Ahli ee dalka Masar.

Salaax illaa hadda waxa uu ku guulaystay abaalmarinno kala duwan, waxaa ka mid ah sannadkii 2012 ka, oo uu noqday ciyaartoyga ugu fiican Afrika, iyo sannadkii 2013 oo uu noqday ciyaartoyga ugu fiican wareegga kubadda cagta Switzerland.

Sannadkii 2014 bishiisii koowaad ayaa uu ku biiray kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska, laakiin waxa ay noqotay tijaabo aan guulaysan, ooh al sano kaddib waxaa amaah lagaga iibiyey naadiga Fiorentina. Nasiibwanaag iibkaas kuma uu khasaarin oo kooxdani waxa ay noqotay tii uu xiddigiisu ka soo dhex dhalaalay, oo dunida oo dhan uu u muuqday. Muddo kaddibna wawxa uu u wareegay Naadiga Roma ee dalka Talyaaniga oo uu joogay xilli-ciyaareedkii 2015 illaa 2016. Maxamed Salaax waxa uu hadda laga joogaa naadiga Liverpool ee dalka Ingiriiska, halkaas oo ay isku furfurtay hibada uu u leeyahay kubadda cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here