Kiis Noociisu Dhif Yahay: Gacan-Ku-Dhiiglaha, Dhibbanaha Iyo Markhaatiguba Waa Ay Indho La’ Yihiin

0
804

Manila (Geeska)- Gacan ku dhiigluhu waa Indhoole Dhibbanuhuna waa indhoole Markhaatiga keli ah ee loo hayo Kiiskuna waa Indhoole. Sababta dilka keentay qudheeduna way indho la’ dahay waayo waa Hinaase. Arrintan yaabka badan lihi waxa ay ka dhacday dalka Philippine waxa aanay u dhacday sidan:

Nin indho la’ oo magaciisa la yidhaahdo, Edmundo Jerry ayaa Mindi wadnaha ku jaray nin kale oo qudhiisu indho la’aa oo magaciisa la odhan jiray Renaldo Koncorida. Sababta uu Edmundo u dilay ninkan ayaa lagu sheegay in ay tahay hinaase. Kadib markii uu ogaaday in ninkani uu hantiyay qalbiga gabadh uu isagu isku waday. Gacan ku dhiiglaha ayaa mar uu u waramayay saraakiisha booliiska ee arrinta baadhaya waxa uu qirtay in uu isagu dilka geystay sababta uu u dilayna ay ahayd markii sida uu sheegay uu ninkan dhintay ka qaaday gabadh ay aad isugu wanaagsanaayeen.

Gacan-ku-dhiigluhu waxa uu sheegay in ninkan uu dilay uu la xidhiidhay gabadh uu jeclaa oo guurkeeda isu diyaarinayey, kadibna uu ku qanciyay in ay isaga guursato, arrintan oo uu ku guulaystay.

Mar gacan ku dhiiglaha la waydiiyay sida uu ku gartay ninkan uu dilay waxa uu sheegay in uu ku aqoonsaday dhawaaqa codkiisa kadibna uu si deggen ugu soo dhowaaday, markii uu ag yimida inta uu gacanta ka buuxsaday uu Mindi u qarsoonayd la soo baxay si deg deg ahna uu dhowr jeer ugaga dhuftay wadnaha. Isaga oo weliba ku dhawaaqaya ereyo cay iyo aflagaaddo ah oo ay ka muuqato cadho iyo nacayb badani.

Arrinta yaabka badani waxa ay tahay in Markhaatiga qudha ee arrintan loo hayaa uu yahay nin Qudhiisu indha la’ oo sida uu u sheegay Booliiska markii falku dhacayay ag joogay. Mar uu ka hadlayay sida uu ku gartay gacan ku dhiiglaha iyo dhibbanahana waxa uu sheegay in ay ahayd codkooda. Ninkan indhaha la’ ee dilka geystay ayaa u sheegay Wargeys ka soo baxa dalka Philippine oo uu Geeska Afrika warkiisan soo turjumay, in uu aad uga murugaysan yahay falka uu geystay oo sida uu sheegay aanu ula kasin, laakiin waxa uu sheegay in aanay murugadiisu waxba ka tarayn waxa dhacay.