15 Qodob Oo Ay Tahay In Uu Maro Hoggaamiye Kasta Oo Doonaya In Uu Dadkiisa Kalsooni Ku Beerto

0
781

Hargeysa (Geeska)- Daacad ma tahay? Ma tahay ruux qumman oo garsoor toosan? Ma tahay dhegeyste fiican? Ma tahay ruux lagu kalsoonana karo – Ballamaha aad qaaddo ma oofisaa? Dadkaagu ma ku aamini karaan?

Qof kasta oo doonaya in uu qof kale hoggaamiyaa waxa ugu muhiimsan ee uu u baahan yahay waa in uu kalsoonidiisa kasbado. Shirkad iyo koox iyo dowlad intubana waa la mid.

Hoggaamiyuhu haddii aanu lahayn sumcad lagu kalsoonaan karo, dadka taageerayaa waxa ay noqonayaan kuwo uu ku badan yahay walaal iyo hubaal la’aan ka qabsata cidda shakhsiyadda dhabta ah ee qofkan hoggaamiyaha. Sida la og yahayna kalsooni la’aan loo qaado iyo qalbiga oo ku xasili waaya hoggaamiyuhu waxa uu ka kasbadaa daacadnimada iyo taageerada midaysan ee cidda uu hoggaaminayo oo uu waayo, taasina waxa ay khatar ku tahay cidda uu hoggaaminayo, qaran, shirkad, urur iwm. Waxa aanay fashilisaa dadaalka la doonayo in lagu gaadho hiigsiga.

Haddaba su’aasha ay tahay in uu hoggaamiye kastaa is weydiiyaa waxa ay tahay; Sidee aad ku noqon kartaa ruux kalsoonida dadka u qalma? Weliba waxa aad xasuusnaataa in niyad wanaagga iyo soo dhoweyntu ay tahay uun bilowga hore. Qoraalkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay, majaladda Success waxa aynu ku soo bandhigaynaa 15 qodob oo uu qoraaga Fran Sonnenberg ku tilmaamayo in ay xoojinayaan kalsoonida lagu qabo hoggaamiyaha.

1. Tus dadka in aad baahidooda danaynayso oo aad u qummayso.

2. Ballanta aad qaadaa waa in ay noqotaa mid sida qandaraaska la kala saxeexdo ay fulinteedu waajib tahay.

3. Weligaa xidhiidh waqtiga fog gaadhaya ha u sadqaynin xidhiidh dano dhow iyo waqti gaaban ah.

4. Haddii aad adigu dadka hoos u eegto (Iska kibriso) marnaba ha ka filan in ay iyaguna kor kuu soo eegaan. (Aqbalaan isa sarraysiintaada)

5.  Kalsoonidaada dhig halka ku habboon.

6. Qoriga degtaada sudhan oo aad riddaa adiga ayuun buu cagta kaa dhaawici.

7. Soo jeedin kasta oo aad keenayso waa in aad sheegtaa sababta maangalka ka dhigaysa ee aad ku dooratay.

8. Hiigsi cad (Hadaf) yeelo.

9. Garab istaag oo taageero waxa aad aaminsan tahay.

10. Weligaa wax aanad adigu samayn lahayn, qof kale ha u dirin in uu sameeyo.

11.  Ficilkaaga iyo ereygaagu waa in ay is waafaqaan oo is-macneeyaan.

12. Fikir inta aanad debnaha kala qaadin.

13. In aad dadka kale ka dhaadhiciso in aad wanaagsan tahay ayaa kaaga fiican (Kaaga midho dhal badan) in aad adigu ku luuqayso wanaaggaaga.

14. Hadallada sida kalsoonida leh loogu hadlaa waa kuwa kalsoonida ku yimaadda.

15. Haddii aad daacadnimo iyo toosnaan ku hoggaamiso, dad yar ayaa qalad iyo ceeb kugu duri doona.