Caaqil Ka Hadlay Dhaawaca Gabadh Yar Oo Ka Mid Ahayd Taageerayaashii Xaqsoor

0
900

Waxan doonayaa inaan war saxaafadeedkaygan kaga hadlo gabadh yar oo ka mid ahayd taageerayaashii ururkii xaqsoor, taas oo ku dhaawacantay dhalinyaradii lagu xasuuqay kadib ku dhawaaqista natiijadii doorashada golaha deegaanka ee ururka xaqsoor ka biyo diiday

Hadaba inantan yar oo magaceeda la yidhaa Hibaaq Xasan Karuur oo ay dhaawac halisa gaadhsiisay xukumadu islamarkaana ay qirteen xukumad ahaan in xabadoodu ku dhacday, lana xaqay, waxa xaqeeda si cad u hortaagan wasiirka Madaxtooyadda sida uu warbaahinta u cadeeyay aabaha dhalay gabadhan oo lagu magacaabo xasan karuur Sidaa daraadeed waxa arintan noogu godobaysan wasiirka wasaarada madaxtooyada mudane xirsi cali xaaji xasan sidaas awgeed waxaan wasiirka talo ahaan ugu soo jeedin lahaa inuu dhameeyo kiiska inantaas dhalinyarada ah ee mustqabalkeedii u wayday rasaasta nool ee ciidanku u adeegsadeen iyadoo dhibaatadda ugu wayn ee inantaas soo gaadhay tahay makaankeedii oo ay ku wayday rasaastaas Markay intaasoo dhami jirto waxaanu madax dhaqameed ahaan u’aragnaa inay cadaawad qarsooni jirto waayo maamulka jiraa muu awoodi waayin dhamaynta kiiska inantan dhalinyarada ah ee dhibaatada nololeed soo gaadhay sidaas awgeed waxaan ka dhaqan ahaan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasiirka madaxtooyadda somaliland inaanu dusha ku qaadan dulmiga inantaas muwaadinada ah ee xaqeedii la duudsiyay:- Caaqil Xasan Axmed Qaalib, Hargeysa