Khudrado Uu Nebi Muxammad (SCW) Jeclaa Iyo Faa’idooyinka Caafimaad Ee Lagu Ogaaday

0
595

Picture2Hargeysa (Geeska)- Waxa jira Laba nooc oo khudradda ka mid ah, oo Nebi Muxammed (SCW) uu si aad ah u jeclaa, dabcan wax kasta oo uu jeclaana innaguna waynu jecel nahay, ama ugu yaraan waxa aynu ka dheehanaynaa wanaagga iyo xikmadda ku jirtay shaygaas ee innagu kallifaya in aynu jeclaanno si aynu uga faa’idaysanno. Cilmiga casirgan iyo aqoonta caafimaad ee soo korodhayna waxa ay sugeen faa’idooyin badan oo caafimaadka ugu jira labadan nooc ee khudaarta ah: Haddaba Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa la wadaagayaa labadaas nooc ee khudradda ka mid ah iyo mid kasta faa’idada caafimaad ee cilmiga casrigani ku sheegay.

Bocorka: (Bocorka Afka Carbeed waxaa loo yaqaannaa Dubaa’ ama Yaqdiin): Xadiis uu soo tebiyey Imaam Muslim, ayaa tilmaamaya in uu nebigu jeclaa midhaha bocorka. Geedkani waxa uu Alle (SWT) ku xusay Qur’aanka Kariimka ah, oo waa geedkii uu Qur’aanku ku magacaabay Yaqdiin ee markii uu Ilaahay (SWT) inooga waramayey qisadii nebi Yuunas (CS), markii ii Nibirigii liqay dib u soo tufay ka dul baxay muddadii dheerayd ee uu dhulka yaallay ee aanu kicin Nebigu (CS).

Faa’idooyinka bilowgiiba lagu ogaaday geedkan waxaa ka mid ah in aanu duqsigu u soo dhowaan, sidaa awgeed ay ku jirto xikmad ah in uu nebi Yuunas jidhkiisa ka ilaalinayey qudhunka ka dhalan lahaa cayayaanka ku istaaga muddadaas dheer ee uu dhulka yaallay. Sida laga soo weriyey Nebi Muxammedna (SCW) marka uu ka hadlayo geedkan bocorka waxa uu odhan jiray, “Waa geedkii walaalkay Yuunas”

Dhanka Caafimaadka marka aynu eegno geedkan wax ku jira Faytamiinno aad u badan oo uu ka mid yihiin Faytamiinnada A iyo B. khubarada baadhista cilmiga ah ku samaysayna waxa ay ogaadeen in geedkan uu jidhku ka helo; Biyo aad u badan, Dufan, Protein, Maaddooyin tamarta badiya iwm. Sidoo kale waxa uu wax ka tara gooryaanka ku dhasha caloosha. Daraasado cusub ayaa iyaguna daahfuray in geedkani uu wax ka taro ka hortagga Kansarka. Geedkan ayaa laga yaabaa in ay dadka qaar u gartaan magaciisa Carabiga ah oo ah Dubaa’ ama Yaqdiin waxa uu u eeg yahay shamaamka waxa aanu aad uga baxaa dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya. La sooco…