Ingiriiska Oo Safiir Cusub U Magacaabay Soomaaliya

0
534

Picture1Boqoradda Britain Queen Elizabth ayaa safiir cusub u magacowday Soomaaliya. Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa Harriet Mathews, waxayna beddelaysaa safiirkii hore Niel Wigan.

Harriet Mathews waa xeel dheere aqoon u leh arrimaha Africa, iyadoo madax ka soo noqotay xafiiska wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain u qaabilsan bariga iyo Galbeedka Africa.

Sidoo kale Harriet Mathews waxay madax u ahayd howshii UK ee la dagaalanka cudurka Ebola.

Harriet ayaa xilka safiirnimo ee Soomaaliya la wareegi doontaa bisha June.