Khudrado Uu Nebi Muxammad (SCW) Jeclaa Iyo Faa’idooyinka Caafimaad Ee Lagu Ogaaday (2)

0
540

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii sumaddeedu ahayd “Khudrado Uu Nebi Muxammed (SCW) Jeclaa iyo Faa’idooyinka Caafimaad eek u jira”

Xabxabka: Sida uu dhigayo Xadiis ay kutubtooda ku soo tebiyeen labada Sheekh ee Abu daa’uud iyo Tharmadi, “Rasuulku waxa uu isku cuni jiray Xabxabka iyo timirta Rodobka loo yaqaanno”

Xabxabku waxa uu ka kooban yahay ku dhowaad 94 Boqolkiiba oo biyo ah, Vitamin G, xaddi aan badnayn oo Vitamin B ah,  Protein iyo maaddooyin kale oo qaarkood ay wax ka taraan ka hortagga xanuunada qaar.

Ibnu Siina oo ah caalim muslim ah oo wax badan ka qoray caafimaadku ayaa sheegay in xabxabku uu waxtar u leeyahay Maqaarka iyo calool istaagga, waxa uu khabiirkani aad u ammaanay in xabxabka la isticmaalo cuntada ka dib isaga oo isla markaana ka digay in lagu talax tago cunistiisa oo sida uu sheegay wax yeeli karta nidaamka dheefshiid ee qofka.