Dawladda Itoobiya Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadalkii Madaxweynaha Masar

0
501

Picture4Addis Ababa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa si adag uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi, oo uu nuxurkiisu ahaa inay dawladiisu dagaal ka xigto in Itoobiya hirgeliso dhaamka ay samaysay.

Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo shalay u waramay wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa sheegay inuu la yaabay hadalada ka soo yeedhay Madaxweynaha Masar iyo siyaasiyiintooda ee la xidhiidha dhaamka Itoobiya. “In Masar ay dagaal ku gasho arrimaha Niilka waxay noqon doontaa waali.” Ayuu yidhi Raysalwasaare Desaglegn, waxaanu intaas raaciyay in Madaxweyne Mursi qaddiyadda dhaamka Itoobiya ku dambabasayo kacdoonada xukuumadiisa kaga oogan dalka Masar. Waxaanu dawladda Masar ugu baaqay inay iska kaashadaan arrimaha taagan.

Sidoo kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti, ayaa isna shalay saxafadda u sheegay inaanay Itoobiya cabsi gelin doonin dagaalada nafsiyeed ee ay Masar baahinayso. “Nama cabsigelinayso dagaalka nafsiyeed ee Masar mana dhaawici doonto dhismaha biyo xidheenka, xataa ilbidhiqsiyo.” Ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda khaarajiga Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa sheegay in aanay dagaal ku baaqanaynin, hase yeeshee ay talaabo walba u qaadayaan sidii ay biyaha Niilka qeybta ay ku leeyihiin u difaaci lahaayeen. Sidaas daraadeed Afhayeenka Itoobiya waxa ay saxaafadu weydiisay inay Itoobiya isu diyaarisay inay difaacdo dhaamkeeda haddiiba dagaal lagu soo qaado, waxa uu sheegay inaanu jirin wadan dunida ka tirsan oo ku shaqeeya is difaac la’aan. “Aynu eegno Itoobiya oo taariikh fiican ku leh inay xorriyadeeda ka difaacdo xoogag kasta.”

Ururka Midowga Afrika ayaa labada dalba ugu baaqay inay bilaabaan wada xaajood si loo dhameeyo xurgufta taagan. Hase yeeshe Itoobiya iyo Masar ayaa u muuqda inay ku sii durkayaan xaalad dagaal, waxaanay labada dhinacba warbaahinta isu marinayaan hadalo xaaladda sii holcinaya, waxase la filayaa in Wasiirka Khaarajiga Masar uu dhawaan safar ku tago Addis Ababa.