Khatarta Uu Dhukaygu Ku Keeni Karo Dhegaha Iyo Habka Ugu Fiican Ee Dhegaha Loo Nadiifin Karo

0
624

Picture1Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa ay caado u tahay in ay si joogto ah u nadiifiyaan dhegahooda, iyaga oo badankoodu isticmaalayo qoryaha dhukayga cudbiga leh oo ka mid ah waxyaabaha loogu iibsiga badan yahay dunida maanta. Laakiin khubarada caafimaadku waxa ay in badan ka digaan isticmaalka qoryaha dhukayga iyaga oo daraasado badan oo kala duwanna ku caddeeyey khataraha caafimaad ee dhukayashadu ay ku keeni karto dhegaha iyo dareenka maqalka labadaba, waxa aanay caddeeyeen in ay dhegto leedahay nidaam abuur ah oo uu Alle ugu talo galay in ay isku nadiifiso.

Khataraha caafimaad ee dhukayashada ay khubaradu ku sheegeen waxaa ka mid ah: sida caadiga ah dhukaygu waxa uu ku dheggen yahay darbiyada dhegta ee gudaha hore, marka qoriga ama shayga lagu dhukayanayo gudaha la geliye ee darbiyadaa lagu xogo si uu u soo gooyo dhukayga, waxaa dhacda in dhukaygaasi uu go’o laakiin marar badan uu soo raaci waayo cudsbiga. Waxa uu hore ugu sii dhacaa dalool dhegta, kadibna uu halkaas u qallalo oo uu sababo in dhegto awdanto ama uu keeno caabuq.

Warbiin lagu baahiyey majaladda Focus ee ka soo baxda dalka Jarmalka oo uu soo akhriyey Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in sida ugu fiican ee dhegta loo nadiifin karaa ay tahay in dhegta inteeda dibadda dhow soo xigta uun maro cusbi ah oo qoyan lagu masaxo ama in lagu ekaado in dhegta la maydho uun xilliga maydhashada iyada oo markan qudheeda aanay fiicnayn in biyuhu ay gudaha hore dhegta u galaan.

Ugu dambayntii talada gudu ee ugu fiican ee ay dhakhaatiirta takhasuska ahi ka bixiyaan nadaafadda dhegtu waa in dhegta loo daayo in ay iyadu sida abuurka ah ee Alle ugu talo-galay isu diyaariso, iyada ay fiican tahay in muddo marka la joogaba mar la booqdo dhakhtar takhasus ah oo si guud u baadha caafimaad qabka dhegta.