Waayuhu Waxa Uu I Baray..!

0
614

– Waxa uu waayuhu I baray, in aanan isku hallayn saaxiib aan lacag siistay, waayo waxa iman doonta maalin uu iibsado mid iga lacag badani.

– Waxa uu waayuhu I baray, in haddii aan isku dayo in aan wax kasta erey ka idhaahdo, ay dadku nici doonaan dhegeysigayga.

– Waxa uu waayuhu I baray, in mar kasta oo dadka I xaasidayaa bato ay astaan u tahay in ay sii bateen guulaha aan gaadhay iyo horumar aan ku socdo.

– Waxa uu waayuhu I baray, in qofka inta badan naftiisa uun ka sheekeeyaa yahay qof aan kalsooni badan ku qabin naftiisa.

– Waxa uu waayuhu I baray, in aan haddii aan doonayo saaxiibtinimo waartay ay qasab igu tahay in aan diyaarsado xabaal mar walba afka kala haysa, si aan ugu aaso qaladaadka saaxiibbaday.

– Waxa uu waayuhu I baray, in qofka ceebahayga u adkaystaa aan u aqoonsado in uu yahay sayidkayga/madaxdayda, xitaa haddii uu yahay shaqaalahayga.

– Waxa uu waayuhu I baray, in sacabka oo aan tumaa ay tahay sida ugu fiican ee aan hadalka kaga dhex geli karo ama kaga joojin karo qofka hadlaya aniga oo aan ka cadhaysiin.

– Waxa uu waayuhu I baray, in jacaylku yahay gol-jilicda/boogta ugu weyn ee uu ninku yeesho.