In Ruuxa Dumar Ahi Ay Is Lusho (Is Jejebiso) Marka Ay Socotaa Ma Abuurmaa Mise Waa Ilaaaq

0
525

Picture2Hargeysa (Geeska)- Ragga qaar ayaa ay la tahay in is-jejebita haweenku ay tahay astaan dheddignimo oo ay iyadu samaysanayso iyo caddayn ay doonayso in ay ninka ku tusto quruxdeeda, waa run sida ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in ay jiraan sababo nafsiya oo gabadha ku kallifa in ay doonisteeda isku lusho marka ya socoto, laakiin haddana xaqiiqada aanay dad badani fahamsanayni waa in is-jejebintaasi ay sidoo kale ledahay sabab cilmiya oo keliya oo ku ladhan abuurta Alle ee gabadha.

Saynisyahanno muddo isku hawlay in ay ka gun gaadhaan arrintan ayaa ugu dambayntii ogaaday in is-jejebinta gabadha sababteeda ugu weyni ay tahay mid abuur ah oo ku timaadda qaabka samays ee lafaha gabadha iyo ninka oo aad u kala duwan. Tusaale ahaan miskaha gabadhu waa ay ka waaweyn yihiin kuwa ragga, waana arrin fududaysa in ay gabadhu dhasho, laakin weynidaas miskaha gabadhu waxa ay lagama maarmaan ka dhigeen in gabadhu marka ay socoto ay juhdi ka ninka ka badan ku bixiso socodka, lagana dareemo dhaqaaq leex-leexasho ku jirto, sidoo kale waxa ay khubarada saynisku caddeeyeen in lafta bawdyada iyo qaarka dambe ee gabadha uu ku jiro qallooc abuur ah oo Alle ugu talogalay, taas oo qudheedu la xidhiidho fududaynta dhalmada, xoodnaantaas bawdayaha gabadhu waxa ay qasab ka dhigaysa marka ay gabadhu socoto in guud ahaanba jidhkeedu uu qallooc hadba dhan ah sameeyo.

Waxa kale oo ay cilmibaadhayaasha arrintan u kuurgalay sheegeen in neefsiga gabadhu uu ka badan yahay kana dhaqso badan yahay ninka, sidoo kale in jidhkeedu soo saaridda dhiigga uu kaga awood badan yahay jidhka ninka, arrimahaas oo isu taggooda keena in ay gabadhu u baahato in ay marka ay gabadhu socoto ay ku qasbanaato in ay isu dheelli tirto jidhkeeda, dadaalkaas ay isugu dheelli tiraysaana uu keeno leex-leexashada xubnaha jidhkeeda laga dareemo marka ay socoto