Khatarta Caafimaad Ee Ay Leedahay In Habeenkii Marka Aad Seexanayso Aad Is-Agdhigto Talefanka Gacanta (2)

0
645

Picture9London (Geeska)- Waa qaybtii labaad uguna dambaysay qormadii uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Caalam ee soo bandhigaysay qaar ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee ka dhalan kara in qofku uu habeenkii talefanka gacanta agtiisa dhigo:

4. Waxa ay sabab u noqdaan hurdada oo xumaata: Talefanka gacanta oo la is-ag dhigo habeenkii marka la seexanayaa waxa ay keentaa in qofku uu hurdo dheer seexan waayo, taas oo ay ka dhalan karto in dhiiggii iman lahaa muruqyadu uu ka yaraado intii intii dabiiciga ahayd. Sidaa awgeed subaxda hore waxa aad arkaysaa qofkuu oo u fiirsiga iyo xoog u dhugashadu ku dhib tahay, iyo isaga oo ka cabanaya in xubnuhu xanuunayaan. Sidoo kale waxa ay arrintan isaamayn taban ku yeelataa awoodda hawlgudasho ee qofku uu maalintii lahaan lahaa.

5. Waxa uu sababi karaa buroonyin kansar ah: Khubarada cilmibaadhisahan samaysay waxa ay sheegayaan in talefanka gacanta oo isaga oo shidan habeenkii la is-ag dhigaa ay keeni karto in burooyin kansar ay qofka ka soo baxaan, gaar ahaan maskaxda. Xeel-dheerayaashu waxa ay xaqiijiyeen in fallaadhaha ka soo baxaya talefanka gacantu ay raadayn taban oo toos ah ku yeeshaan Barootiinka Actin oo ka mid ah qaybaha muhiimka ah ee unugga.

Daraasado cilmiya oo arrintan lagu sameeyey ayaa daahfuray in fallaadhahaas ka imanaya talefanka gacantu ay dhibaato u geysan karaan habka ay qaybaha kala duwan ee maskaxdu hawshooda u qabsadaan. Dhammaad