Maraykanka Oo Madaxweyne Siilaanyo U Soo Diray Warqad Isugu Jirta Eedayn, Digniin Iyo Hanjabaad Iyo Jawaabta La Sheegay Inay Madaxtooyadu Ka Bixisay

0
649

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland iyo dawladda Maraykanka ayaa is dhaafsaday laba waraaqood oo luuqad adag ku qoran, kuwaas oo ku salaysnaa xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan dhinaca doorashooyinka.

Dawladda Maraykanka ayaa qoraal ay ku soo socodsiisay Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay xubno ka mid ah wasiiradiisa ugu jeedisay eedayn,  iyadoo madaxtooyaduna jawaab adag ka bixisay warqadaas.

Maraykanka

Safaaradda Maraykanka ee qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya oo uu fadhigeedu yahay magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya, ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo dirtay 23 April 2015 qoraal culus oo isugu jira eedayn, digniin iyo hanjabaad kaas oo intiisa badani la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

Sida ay ilo xogogaali u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika dawladda Maraykanka ayaa Madaxweyne Siilaanyo uga digtay in xukuumadiisu ka ololayso in golaha guurtidu sameyso muddo kordhin ka baxsan wakhtiga ay guddiga doorashooyinka qaranku u qabteen inay doorashooyinku qabsoomaan oo ah 1 June 2016, waxaanay ku eedeeyeen in xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadiisu ay olole ugu jiraan sidii ay golaha guurtidu Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ugu samayn lahaayeen muddo kordhin ka baxsan wakhtiga ay doorashooyinku qabsoomayaan. Waxa kale oo ay sheegeen inay mar walba isha ku hayn doonaan cid kasta oo khar budaysa hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Sida ay xogahani sheegeen wuxuu Maraykanku ugu hanjabay Madaxweyne Siilaanyo inay beegsan doonaan shakhsiyaadka xukuumadiisa ku jira ee ka shaqaynaya muddo kordhin ka baxsan wakhtiga doorashada loo cayimay, iyagoo si hogo tusaalayn ah Madaxweyne Siilaanyo dusha uga saaray dib u dhaca doorashadii hore iyo dib u dhac kale oo ku yimaada wakhtiga dambe ee doorashooyinka loo cayimay oo ay xuseen inay dhaawacayso sumacada Somaliland iyio geedi socodka Dimuqraadiyadda.

Madaxtooyada Somaliland

Sida ay ilahan xogogaalka ahi Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen Madaxtooyada Somaliland ayaa  toddobaadkan jawaab ka bixisay qoraalka adag ee uu Maraykanku u soo diray.

Sida ay wararku sheegeen Madaxtooyadu waxay  dawladda Maraykanka uga warantay marxaladihii siyaasadeed ee ay Somalialnd soo martay gaar ahaan dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, waxaanay  ku dooday inaanu Madaxweyne Siilaanyo ahayn Madaxweynihii u horeeyay ee loo sameeyo muddo kordhin, iyadoo tusaale loo soo qaatay muddo kordhino loo sameeyay madaxweynayaashii ka horeeyay ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin. Wuxuu qoraalka madaxtooyadu sheegay  in golaha guurtidu gudan doonaan waajibaadkooda distooriga ah iyagoo sharciga raacaya, waxaanay ku dooday inaanay xukuumadiisu faro gelinayn shaqada golaha guurtida ee uu distoorku siiyay.

 

Qoraalka jawaabta ah ayaa mar uu ka hadlayay eedaha uu Maraykanku u jeediyay wasiirada Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo yahay hoggaamiyaha qaranka islamarkaana amarka uu bixiyaa uu shaqaynayo balse aanay jirin cid isaga ka baxsan oo fulinaysa siyaasado kale. Waxaanay jawaabtani wasiirada ka difaacday eedda ah inay wadaan olole ku saabsan muddo kordhin siyaasadeed.

Sida ay xogtani sheegtay waxay madaxtooyadu qoraalkeeda ku sheegtay inuu Madaxweyne Siilaanyo yahay Madaxweynaha Somaliland ee ay shacabku doorteen islamarkaana uu yahay hoggaamiyihii sannadkii 2003 lagaga guulaystay 80 cod ee aqbalay isagoo danta qaranka eegaya. Wuxuu qoraalku  ku dooday in Madaxweyne Siilaanyo siddeed sannadood oo uu mucaarad ahaa uu ka talinayay danta Somaliland islamarkaana uu doonayay imikana doonayo inay dimuqraadiyadda Somalialnd noqoto mid guulaysata. Ugu dambayn waxay madaxtooyadu qoraalkeeda ku sheegtay in marka la eego taariikhda uu Madaxweyne Siilaanyo Somaliland ku leeyahay aanu marna ka shaqaynayn dhibaato ka dhacda Somaliland.