Kuwii La Filayay In Ay Xeerka Iyo Distoorka Ilaaliyaan Ayaa Calanka U Sida Xeer Jabintii Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi

0
785

Afrikaanka iyo dalalka kale ee muslinka ahi waxa ay caan ku yihiin in kol hadii kursiga dabada la helaan aanay ka kicin. Mar kastana umadooda kala doorasansiiyaan “ama iska kaaya daaya ama amaan daro iyo dal burbur ayaa dhici doona” waa dhibaato la maarayn kari waayay oo ka dhigtay dalalka Muslimiinta iyo afrikaanka kuwa caalamka ugu musuqmaasuqa badan ugu been badan ugu danbeeya, xuquuqda aadamuhu u liitaan, shicibkooda iyo xeerarka iyo distoorka waxba aan iskaga tiring ee dalalkooda ku maamula qaabkii “animal farm” kii bogobogaande iyo been, iyo  “miyaan la dhargin iyo bal horumarku halka uu marayo eega, hada calooshiisa ayuu ka waramayaa ee bulshada waxba kama oga, waxa kale oo ay caan ku yihiin cabudhinta warbaahinta iyo qoraalada madaxa banaan. Somaliland oo la filayay in ay taariikhda akhrido oo wax ku qaadato waa aynu arkaynaa in si joogta ah loogu tumanayo distoorkii iyo xeerkii taasi oo qof kasta oo himilo lahaa ku ridaysa niyad jab maanta marna may ahayn in xukuumad xilkeedii gudan wayday, lagu abaal mariyo mudo kordhin, baaralamaanka ku caan baxay dhaameel gurashada oo aan marna dhab ahaan uga tarjumin himiladuu umadda ceeb ayay ku tahay in ay iyagu u codeeyaan mudo kordhintooda. Tiradooda waxaa lagu sheegaa (82) xildhibaan, wali (80) qof soomay fadhiisan mooshin, tirada u badan ee timaadaa waa dhawr iyo afartan (wax konton ka yar), maalin kaliya ayay ogaalkay yimaadeen iyaga oo dhamaystiran waa maalintii ay mushaharka korodhsanayeen “shame on you” (MPS)!!