Khasaaraha Dagaalkii Shalay ka dhacay Hargeysa

0
665

hubkiiHargaysa( Geeska )-Kooxo hubaysan ayaa subaxnimadii hore ee shalay weerar ku qaaday saldhiga ciidamada qaranka ee wershadii kabista oo ku beegan dhinaca koonfur bari ee magaalada Hargeysa.

Kooxahaas oo ka cabanayay inay iska lahaayeen dhulka ay ciidamadu degenayeen lana dhagaysan waayay tabasho ay tirsanayeen ayaa waxa uu isku dhacaas ciidamada dhex maray sababay dhimashada laba ruux oo dhinacooda ah iyo saddex askari oo ka tirsan ciidamada qaranka, waxaanu dhaawac soo gaadhay dhawr ruux oo shicib ah oo ay rasaastu ugu tagtay meelo ka baxsan doobta rabshadu ka dhacday.

Rasaas xoog badan iyo dayaanka hubka daran dooriga u dhaca ayaa si weyn looga maqalay qaybaha kala duwan ee caasimadda. Waxase ay xaaladu qabowday ku dhawaad 7:30 subaxnimo oo ay rabshadu u muuqatay inay xoogay yaraatay.

Masuuliyiin tiro badan oo ay kamid ahaayeen wasiirka gaashandhiga, wasiirka arimaha gudaha iyo taliyayaasha ciidamadda booliska iyo qaranka ayaa iyagu ka hadlay iska hor imaadkaas, waxaanay sheegeen masuuliyiintan in imika dhulkii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan, isla markaasna uu deegaankaasu xasiloon yahay. Waxa kale oo ay xuseen inay hayaan 28 kamid ah dadkan rayidka ah ee ciidamadda soo weeraray, oo sagaal  kamid ah ay dhaawac yahiin. Waxa sida oo kale cibitaalka guud ee magaaladda Hargaysa la gaadhsiiyay 4 dhaawac ah, iyo laba qof maydkood oo ay ka mid ahayd  haweenay uur leh.

Wasiirka arimaha gudaha Mr Maxamed Nuur Caraale Duur oo arimahaa ka hadlayay waxa uu yidhi “Somaliland maanta maan moodayn inay halkaas marayso, laakiin isku heli-mayno qaranimo iyo qabiilnimo oo labada midbaynu qaadanaynaa oo ay noqono qaran amni ah oo aynu dadka direyska inoo sita ee amnigeena ilaalinaya inaga oo shacab ah la ixtiraamo, maaha inaynu noqono qabiilooyin qoryo la kalaha”

Wasiir Duur waxa uu sheegay inay qabqabteen 28 ka mid ah dadkii dagaalamayey ee rayidka ahaa oo 9 ka mid ahi dhaawac yihiin “Dad Badan-baa la qabqabtay oo 28 ah oo ah dadkii dagaalamayey ah oo 9 dhaawac yihiin”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa la hayaa hub, waxayna siteen dhammaan hubka bani-aadam qaadi karo wixii aan gaadhi saarnayn ayay wateen, kamay fikirin ciidamadda qaranka ee halkaasi degganaa, kuwo meelaha kala deggan iyo culayska dawladnimadu leedahay oo caadifad-baa abaabushay” Wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxa uu fariin u diray shacabka “Waxaan leeyahay shacabka tan oo kale maynaan filayn ee aynu nabadgalyada dhowrano ilayn Tacsi iyo tiiraanyo ku jiri-may 9-nee”ayuu yidhi.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Taliyayaasha ciidamada Qaranka iyo booliska Somaliland, kuwaasi oo sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada ka dhalatay dagaalkaasi.

Taliyaha ciidamada Booliska Md. Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa isna yidhi “Ciidamadda ayaa ay soo weerareen koox hubaysan oo dablay ah, oo illaa hadda aanan fahmin ujeedada ay ku soo weerareen, waxaana ciidamadda lagu soo weeraray hubkaas culus ee aad arkaysaan, intaas kadib dagaal culus ayaa ay halkaas kooxdaas iyo ciidamaddu isku waydaarsadeen, ciidanka qaranka waxa ka dhintay 3 askari, afarna way dhaawacmeen, dhinaca kooxdaas dabalayda ah laba ayaa ka dhintay, 28 ay sagaal dhaawac yahiina waa la qabtay, waxa kale oo ay rasaastaasu iyada oo seeraaro ah ay ku dhacday laba qof oo shacab ah iyo wiil yar oo xaafadooda jooga.

Qaar ka mid ah dadkaas dhulka ku doodaya ayaa iyaguna ka hadlay rabshadahan iyo doodooda.

Saciid Maxamed Cabdilaahi, ayaa yidhi “Doodayadu waxay salka ku haysaa dhul beereed awoow ka awoow aanu lahayn, dawladii hore ee meesha ka kacday ayaana xoog iyo awood nagaga haysatay, imikana naloo adeegsanayo xoog markii aanu is nidhi xoriyad ayaad qaadateen. Anaga oo meeshayada joogna ayaa hawlgal ciidan uu nala kulmay, lidka diyaaradaha ayaa naloo adeegsaday, dadkii wax way ku dhinteen waxna way ku dhaawacmeen iyada oo naloo awood sheeganayo oo la doonayo meesha in awood dawladeed lagaga qaato. Dhulkayagan nin shacab ah ayaa ay dawladu dhul badal ugu samaysay, maadama oo ninkii shacabka ahaa dhul badal loo siiyay anaga waxa naloogu diidan yahay yaanan garanayn.

Cali Qodax , ayaa isna yidhi  “Anigu waxaan ka mid ahay dadka wax meesha ku leh, waxaanan kuu sheegayaa inaan marnay hanaankii cadaaladda, waxaanu balansanayn madaxtooyadda, waxaana dhacay balamo badan, balantii ugu danbaysay lanoo qaadanay 20 casho, maalintii ay ku buuxeen labaatankiina in la keenay ciidan. Madaxweyne ku xigeenka markii ugu horaysay ee aan aragnay waxay ahayd 27-2, maalintaan madaxweynuu waxa uu ku maqnaa shirkii London, madaxweyne ku xigeenka oo markaas ku simaha ahaa waxa uu noo balan qaaday in maalinta madaxweynuu yimaado hal maalin  markuu nasto inaan maalinta labaad is aragno, arinkiina imika waxa uu qaatay afartan casho kadib, anagu ma diidanin sharciga iyo in nabadgalyada dalka la ilaaliyo ee aad baanu u jacelnahay.”

 

Bulshada magaalada Hargeysa ayaa shalay si weyn uga argagaxay dhawaqa rasaasta iyo ciidamada tirada badan ee suuqyada dhex yaacayay, waxaanay soo xasuusteen wakhtiyadii ay magaalada Hargeysa colaadu kala xidhay.