Dhegaweyne Oo Mar Kale Weeraray Madaxweyne Siilaanyo

35
672

Hargaysa( Geeska )-Mujaahid Ibraahin Cabdillaahi Xuseen Dhagaweyne, ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhaliilay in aanu waxba ka qaban dhibaatooyinka ka taagan deegaano kamid ah dhul weynaha Somaliland.

Waxa kale oo uu Ibraahin Dhagawyne soo bandhigay xalal uu sheegay in nabad ay ugu raadinayeen deegaanada Kalshaale iyo Seemaal balse uu madaxweynuhu hor istaagay,  waxa kale oo uu ka hadlay wax uu ku tilmaamay cadaaladd daro, Musuq iyo sharci buburin  in xukuumaddan ay ku kacday. 

Ibraahin dhagaweyne waxa uu sidan ku sheegay mar uu shalay ka hadlaayay kulan ay yeesheen ururaddii guddida diiwan galintu ay ku dhawaaqeen inay hadheen, waxaanu ugu danbayntii ka hadlay wadahadalada Somaliya iyo Somaland ee la qorshaynaayo inay dhex maraan iyo arimo kale oo tiro badan. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxan ayaanu ka hadlaynaa waa sharcigii umadda u dhaxeeyay, haddii sharci la waayana bina aadamku waa uu lumayaa oo xoolaha waxba kama duwana. Dawladan maanta inoo joogtaa sharcibay ku timid oo aynu ku ixtiraamaynay, xaqii bina-aadamku lahaa ee waxna waa uu dooran karaa waana la dooranayaa ayaa laysku haystaa, iyada oo aynu waxii kale oo dhan ka sii daynay lacag ha xado, mucaawino ha qaadato, ilaa idaacadii iyo tilifishankana qaranka ayay beeni ka baxaysaa oo aad arkaysaan, kii Maxamed Siyaad barre hoosbay ka martay.” Ayaa uu yidhi waxaanu intaas ku daray “Dhulkiinii ayaa laaluush lagu baxinayaa, qaranimadiiniina waa lays waydiinayaa, subaxaas saaka ah ee aynu Hargaysa joogno maxaa ka dhacaaya( Shalay ), waa tee nabadgalyada ay ku joogtaa, hada waxaasuna waa wax laba oday loo diri lahaa hadii aanay ku filnayn, ayaa xabad iyo dhiig taagan yahay, car waataase nabad haku gaadhsiiyaan mudadii loogu talo galay.Anigu xaqiiqada ayaan ogahay doorashaa aynu hadal haynaa, laakiin doorashadu waa ta laga warwareegayaa, cadaaladu waata laga war wareegayaa, in dhiig faraha laydiin galiyo ayaa la rabaa, umalayn maayo inay doonayaan in dadkan wada joogo.”

Ibraahin Dhagaweyne isaga oo ka hadlaaya dhex dhexaadin uu sheegay inay ka galeen deegaanda Seemaal iyo Kalshaale balse lagu diiday waxa uu yidhi “Anigu waxaan ogaa arintii Seemaal, markii ay waxba ka qaban waayeen ayaa salaadiin loo diray, aanu waliba anagu abaabulnay oo aan nidhi waar nimankan arinta ku eegi kari mayno ee wax ka qabta, cid salaadiinta dhan walba ka maqanayd may jirin, waanay soo dhameeyeen Axmed ( Madaxweynaa ) baa loo dhiibay oo waxa la yidhi madaxweyne waatan oo anagaa kuu soo dhamaynay, labadii reer ee is laayay ayaa soo saxeexay oo waa lagu soo heshiiyay, waraaqiina waa la hayaa, waxaanu ku yidhi ma anigaa idiin dirtay, markaas ma colaad baa la rabaa mise nabad.” Ayaa uu yidhi, waxanu intaa sii raaciyay “Tii Kalshaale anigu waan joogay salaadinta qaarkood waan u tagnay aniga iyo rag salaadiin ah, waxaanu ku nidhi Axmedaw ( Madaxweynaa )  hadaad wanaag rabtid 24 saacadood macaa ciidankii SSC- da Hargaysa ayaan kuugu soo xaraynayaa, in badan u taba qarinaayay, madaxweyne ku xigeenka ayaa la joogay Xirsi baa la joogay, aniga iyo rag kale oo salaadiina ayaana wada socday, waxan meesha laga wadaana waa colaad sokeeye, waatuu tilifishanka isa soo taagayay ee uu lahaa guulaha aan ka gaadhanay, guusha laga gaadhay Kalshaale halkay taagan tahay, dhiig iyo dhimasho iyo ujeedo la’aan ayaynu ku galnay, madaxdii qarankaan wada ogayn, meel loo socdo ma garanayno ee indho la’aan ayaa lagu socdaa.”

Waxa kale oo uu Ibraahin Dhagaweyne ka hadlay wada hada hadalada Somaliya la’la galaayo oo uu si ba’an ugu hor yimi kuna dhaliilay xukuumadda Axmed Siilaanyo “ Arintii oo taagan ayaa albaab kale oo ayanaan ka tashan oo Xamar ah laynugu furay, habeen walba waataas ini guure ku soocota, doorasho lama rabo oo cadaalad lama rabo oo dalkan inuu jiro lama rabo ee in nin waliba uu guure ku tago Xamar ayaa la rabaa, waar Xamar maba diidanine bal aynu talo ku tagno, waana umadd Somaliyeed oo heshiisiinteeda iyo wanaageeda cid inaga xigtaa ma jirto. Waxaynu leenahay haddii la wada hadlaayo maxaynu ninka bishu u hadhay kula hadlaynaa ee sii socda, baarlamaankooda aan jirin maxaynu kula hadalnaa, waa nin inagala bakhaylay waar anigu ninkii wax idiin gastay ma ihiye, waan idinka raali galinyaa ileen walaaladaybaad tahiine. Waxaan anigu leeyahay waar waxa loo socdaa intan yar ee aynu nab’nabnay ee ilama nabi aadam isku raaceen ayaa laga daba tagayaa, waxaan u malaynayaa caqligan meesha yaala caqli aan u arkaayo inuu caafimaad qabo maaha.  waar aynu dib isugu noqono maanta waxa inoo taala wax is waydiin dhab ah, inooma taalo in laga murmo qodobo yar, waxaana inoo yaala qarankan sidee aynu u badbaadinaa.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan “Aniga oo ah Kulmiye ayaa lala soo qaaday, waar golaha guurtida wakhigii waa uu ka dhacay, markaasu Axmed Siilaanyo ku jawaabay, markeena ayaynu ku shaqaysanaynaa, waana loo dhamaa maalintuu hadalkaas yidhi, waxbadan ayaanu qarinaynay laakiin imika runtaa imanaysa.”

Comments are closed.