Xiddigiye caan ah oo saadaaliyey In weerar Milateri lagu qaadayo Iran iyo dagaalo ka qarxaya Suuriya

0
607

Moscow (Geeska/W.wararka)- In kasta oo int abadan dadka arrimaha siyaasadda ka faalloodaa ay ku celceliyaan in dagaal ka dhaca bariga dhexe uu khatar ku yahay amniga Israel, waxaa aragti taas aad uga duwan sheegay Faaliye u dhashay dalka Ruushka  oo saadaalinaya in sannadkan aynu ku jirno gudihiisa uu dalka Suuriya ka dhici doono dagaal, kadibna uu xigi doono dagaal ka dhaca Iran sannadka xiga, laakiin aanay dagaalladaasi waxba u dhimi doonin amniga Israel oo uu ku andacooday in uu xasiloonaan doono illaa sannadka 2014-ka.

Faaliye Pavel Globa oo ka mid ah faaliyeyaasha dusnida ugu caansan ayaa mar uu Axaddii toddobaadkan waraysi siiyey mid ka mid ah talefishannada dalka Ruushka waxa uu saadaaliyey in dalka Suuriya oo muddo sannad iyo dheeraad ah ay ka socdaan kacdoonno dad weyne oo dawladda lagu diidan yahay, dawladduna cudud iskaga caabinayso ay nabaddiisu burburi doonto, “Waa ay fashilmayaan dhammaan dadaallada nabadda ee laga wado Suuriya” ayuu yidhi xidigiyuhu isaga oo intaas ku sii daray, “Xaaladda godadka xiddigaha ayaa muujinaysa in dhacdooyin taxane ahi gobolka bariga dhexe ku soo fool leeyihiin”

Globa oo ka hadlayey saadaashiisa dagaal ee dalka Iraan waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Dagaal ayaa Iran ka qarxi doona sannadka soo socda ee 2013-ka, kadib waxaa xigi doona dal kale, oo ay u dhow dahay in ay noqdaan dalka India, ama Azerbaijan ama Turkmenistan, laakiin Israel nabad ayaa ay ku sii jiri doontaa illaa sannadka 2014-ka”

Globe oo dhashay sannadkii 1953-kii waxa uu aad u soo shaac baxay dabayaaqadii Siddeetamaadkii qarnigii tegey, markii uu saadaaliyey burburkii Midowga Soofiyati, xilligaas oo aanay haba yaraato ee muuqan wax saan-saan ah oo muujinaya in uu Midowga Soofiyati burburayo. Waxa kale oo lagu xasuustaa saadaashiisii madaxnimada madaxweynaha Ruusha Vladimir Putin, iyo weerarradii 11-ka September ee dalka Maraykanka ku dhacay.

Si kastaba ha ahaato ee Globe waxa uu hore ugu fashilmay saadaashiisii ahayd in Maraykanku uu Iran weerari doono sannadkii 2005-ta iyo weliba saadaashii uu filayey in doorashadii madaxtooyada Maraykanka ee sannadkii 2008-da ay ku guulaysan doonto Hilary Clinton.