Khabiir Ka Tirsan FBI Oo Ina Baraya Habka Ugu Fiican Ee Qofku Uu Isu Jeclaysiin Karo Ruux Ay Hadda Is Barteen

0
653

Washington (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad  ee taxanihii, Robin Dreeke oo 27 sano ka shaqaynayey dabeecadaha dadka uu kaga jawaabayey su’aalaha ah: Sidee ugu habboon ee uu qofku ku dhisi karaa xidhiidho kalsoonina dadka u gashan karaa? Haddii si cad oo fudud aan u dhigo, su’aashu waa, “Sidee ugu habboon ee aad dadka uga dhigi kartaa kuwo ku jecel:

Markaa haddi iaad ii sheegto waxa ay ujeedadaadu tahay, waxa aynu helaynaa meel aynu wax ka wada bilowno, kadib waxa aynu eegaynaa in aynu wada ilaashan karno ujeedadeennaa laba geesoodka ah. haddii aynaan isla jaanqaadi karin oo aynu laakiin ogaanno in aynaan isla jaanqaadi karin iyada qudheedu waa ay fiican tahay.

Haddii aad doonayso in aad qofk xidhiidh la bilowdo? Waxa aad xoogga saartaa is-aaminidda oo iska jir khiyaamada. Sidaas ayaa aad ku kasban kartaa tixgelin. Ogowna oo is-aaminidda iyo kalsoonidu waa ay ka burburi og yihiin kalsoonidarrada.

Haddii aad dadka weydiiso dabeecadda ugu fiican ee ay jecel yihiin in uu yeesho qofka ay is barashadu dhex marayso ama la rafiiqayaan waxa ay markaba kugu jawaabayaa, “Ha Noqdo qof wacad leh oo lagu kalsoonaan karo”

Saddex daraasadood oo lagu sameeyey dabeecadaha fiican ee qofka kugu soo jiidi kara, ayaa tijaabooyinkii la sameeyey waaa ka mid ahaa in dad isku xidhan shaq ahaan, sida koox kubadda waxa ciyaaraysa, ama koox hal shaqo wadaagaysa iyo xidhiidhka ka dhexeeya, iyo sidoo kale kooxo kale oo uu isu keenay xidhiidh qaraabonimo, markii dhammaantood la weydiiyey in ay qoraan liiska dabeecadaha uu mid kastaa jeclaan lahaa in uu kan kale yeesho, Daacadnimada ayaa noqotay dabeecad kaalinta ugu horreysa kaga jirtay liiska ay labadaba qoloba soo qoreen. Haddaba waxaa muhiim ah in qofka aad baranayso aad marka ugu horreysaba qiimayso illaa xadka aad kalsooni siin karto ama qiyaasta daacadnimadiisa. Dhamaad.