Aaladaha Ilayska Bixiyaa Waxa Ay Khalkhaliyaan Hurdada Waxa Aanay Khatar Ku Yihiin Caafimaadka

0
665

Picture1Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ayaa ka digay in qalabka tiknoolajiyadda ee gudihiisu ilayska soo bixiyo sida kutubta Elektarooniga ah, Talefishanka, Kombiyuutarka noocyadiisa, iyo aaladaha sida kombiyuutarka u shaqeeya ee loo yaqaanno Tablet (Ipad, Phamlet, iwm) ay khalkhal geliyaan dareenka jaangoynta waqtiyada ee Alle maskaxda aadamaha ku beeray oo loo yaqaanno saacadda Bayoolojiga ah. Sidoo kale aaladahani waxa ay kor u qaadaan khatarta suurtogalnimada in qofku uu qaado cudurrada macaanka iyo kansarka.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in qalabyadani ay inta badan qofka ka mashquuliyaan saacadda hurdada ee saxda ah oo ay dib u dhigaan, taas oo keenta in uu daal badan dareemo, aakhirkana hurdo xumo ama hurdo la’aan qaado, sidoo kale waxa ay sabab u noqdaan in uu hoos u dhaco xaddiga uu jidhku ka soo saarayo hormoonka Melatonin oo qofka ka caawiya hurdada. Natiijada cilmibaadhistan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Telegraph ee dalka Ingiriisku waxa ay caddaysay in qalabyadan aynu soo xusnay oo habeenkii xilliga hurdada aad loo isticmaalaauu inta badan keeno hurdo la’aan aakhirka noqota mid aanu qofku ka bogsan, iyo in ay khalkhasho ama ama shaqayn weydo saacadda bayoolojiga ahi, labadaas arrimood oo raad taban oo weyn ku yeesha baraarugsanaanta maskaxda iyo shaqadeeda iyo sidoo kale caafimaadka guud ee qofka. Maadadda Melatonin oo jidhka ku yaraataa mushkiladaha kale ee ay keento waxaa ka mid ah, xanuuno nafsi ah, sida warwarka, walaaca iyo niyad xumada. Hab-dhiska difaaca oo daciifa, cudurrada wadnaha ku dhaca, noocyo kansarka ka mid ah.

Qaabka looga hortegi karo in maadadda Melatonin jidhka ku yaraatana waxaa ka mid ah; qofka oo ilayska iyo madowga saxda ah ee uu u baahan yahay, jidhka oo hela maadadda Tryptophan oo inta badan laga helo khudaarta iyo cuntada cagaaran, Kaalshiyaamta, cunista boorashka, bariiska, heedda, tamaandhada, lawska, fuulka, sinjibiisha, hadhuudhka/garowga, muuska, caanaha iyo hilibka digaagga, gaar ahaan beerka.